Aqoonyahan Iyo Waxgarad Madaxweyne Muuse Biixi U Soo Bandhigay Walaac Ay Ka Qabaan Xaalada Dalka, Warqad Furana U Diray
Hargeysa(HWN):-Aqoonyahan iyo waxgarad ka soo jeeda beesha hogaamiye Muuse Biixi ayaa ka hadlay xaaladaha dalka ka jira.
Aqoonyahankan iyo waxgaradkan ayaa warqad furan oo ay ku socodsiiyeen Muuse Biixi waxay kaga hadlayeen xaaladaha dhinaca dhaqaaqlaha, kala qaybsanaanta bulshada, nolosha ay dariska la noqdeen dadka danyarta ahi iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Warqada furan ee aqoonyahanka iyo waxgaradka ay hogaamiye Muuse Biixi isku beesha ka soo jeedaan aya u dhignayd sidan:-
Mudane Madaxweye,
Annaga oo ah muwaadiniinta hoos magacyadoodu ku qoranyihiin. Salaan iyo duco in Alle ku waafajiyo oo kuu fududeeyo gudashada xilka ummaddu kuu igmatay ka dib, waxa aannu is tusnay in sida xaquuqdayada muwaaddinnimo dhawristeedu kuu saran tahay, aad annagana waajib noogu leedahay in wixii talo aannu bidno kuu soo gudbino, taas oo ah waajib qaran iyo damiir wadaninimo oo na saaran.
Mudane Madaxweyne, doorashadii u dambaysay, waxa aad ku guulaysatay aqlabiyad aanay hore u helin hoggaamiyeyaashii kaa horreeyey. Guushaa taariikhiga ahi waxa ay muujinaysaa sida ay ummadda badankeedu u arkaysay in aad tahay musharraxa ugu habboonaa ee marxaladda taagan ee dalkeenna kala dabbaalan lahaa duruufaha qallafsan ee siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee ina hor yaallay.
Waxa run ah in bilawgii mudda-xileedkaaga aad ku tallaabsatay isbedello togan oo dhinacyo door ah taabtay oo ummadduna kugu hambalyeeyeen, rejo iyo yididiilo wacanna ku abuurtay. Waxase jira, mudane Madaxweyne, marka la eego dhacdooyinka dhawaanahan soo noqnoqonaya iyo guud ahaan xaaladda dalku ku sugan yahay gudo iyo dibadba, in walaac badan aannu ka qabno in fursado dahabi ah oo aad haysatayay farahaaga ka sii baxayaan, dalkuna gelayo xaalad adag oo aan dhammaadkeeduna saadaal qurux badan lahayn. Belo-sheegnimo ma aha ee waa baraarujin iyo ka-dardaarwerin wax aan habboonayn inoona qalmin oo inagu dhici kara!
Mudane Madaxweyne, waxa si gaar ah noo murug gelinaysa in danyartii tirada badayd ee aad u ballan qaadday in doorashadaadu ay noloshooda wax ka beddeli doonto, aanay ilaa maanta culays ku kordhay mooyee, wax la taaban karo ka hayn madaxweynamidaada oo hadda laba sanno wax dheeryihiin. Horumar muuqdaa kuma kordhin adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, caddaaladda iwm. Qorshahii wax aad uga badali lahaydna kaama muuqdo. Waxaa oo qarankeenu markii u horaysay mudo labo sano ah ku muransan yahay, guddi doorasho, oo lagaga mashquulay arrimo masiiri ah, sababtayna in markii lixaad loo kordhiyay golayaashii markii la doortay ilmihii dhashay maanta uu gaashaanqaad yahay. Taas oo u muuqata in gabbal u dumay dimuqraadiyaddii aynu ku naalloon jirnay, dhaawac muuqda gaadhsiisay xidhiidhkii aynu la lahayn saaxiibbo badan oo u heellanaa taageerada qaddiyadda dalka iyo dadka reer Somaliland. Waxa werwerkeeda leh in uu midnimadii iyo isku duubnidiidii shacabka reer Somaliland sii wiiqmayso, bulshadeenniina aad u kala qaybsan tahay.
Marka haddaba xaal sidaa yahay, annaga oo dareensan duruufaha adag ee aad xilka kula wareegtay; aafooyinka dabiiciga ah ee inagu habsaday, hirdanka siyaasiga ah ee dawladda Xamar iyo aqoonsi-la’aanta dawladdeenna. Mudane Madaxweyne, annagoo ujeedkayagu yahay samadoon iyo taageero, waxa waajibka waddaninimo iyo ka Islaamnimo, labaduba na farayaan in xaqa aad nagu leedahay aannaan dayicin ee wixii talo nala gudboon oo aannu ku soo koobnay qodobbadan soo socda, kuu soo gudbinno:
1.Soo Celinta Midnimada Iyo Rejada Ummadda:Mudane Madaxweyne, waxaa heerkii ugu hooseeyay gaadhay wadajirkii ummadda iyo ku-niyadsamaantii waddankooda. Sidaa awgeed, waxaannu kugula talinaynaa in aad si dhug leh oo dhab ah uga hawlgasho in ummadda la isku soo duwo, lagana saaro kala-qaybsanaanta baahsan ee ay inagu reebtay doorashadii madaxtooyadu, iyo niyadjabka ka dhashay daruufaha qallafsan ee ina soo food saaray. Annaga oo eegayna duruufaha inagu gedaaman gudo iyo dibadba, waxa Madaxweyne daruuri ah in si hufan, dhinacyo badan oo miisaaman looga shaqeeyo wadajirka ummadda, aad hormoodna ugu noqoto siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo aqoonyahanka kale ee aad ka wada masuulka tahay.
2.Dhaqaalaha:Dhaqaaluhu waa udubdhexaadka dawladnimo iyo nolosha bulshadaba, horumarka iyo dibudhaca dhaqaaluhu waxa saamayn toosa ay ku leeyihiin dhismaha iyo sii-adkaynta dawladnimada. In kasta oo dastuurka Somaliland caddeeyay in hannaanka dhaqaale ee waddanku yahay dhaqaalaha xorta ah, haddana waxaa mar kasta jira habab ay dawladdu u saamayn karto una dhiirrigelin karto koboca iyo horumarka dhaqaalaha. Mudane Madaxweyne, waan kugu hambalyeynayaa kor u qaadka dhakhliga iyo yaraynta u isticmaalka cashuurta muwaadiniinta arimo aan ahmiyad lahayn, waxaanuse kugu baraarujinaynaa saamaynta taban ee ay leedahay in dhaqaalaha laga hayo suuqa. Waxaa kale oo muuqata, mudane Madaxweyne, in sicirbararka iyo camal-la’aanta oo ah aafooyinka dhaqaale, ay sii kordhayeen muddooyinkii u dambeeyay, sidoo kalena aanay jirin maalgashiyo la taaban karo oo inoo hirgalay inta aad talada haysay. Sidaa awgeed, mudane Madaxweyne, waxaannu kuu soo jeedinaynaa in xukuumaddaadu culays saarto kobcinta dhaqaalaha, la timaaddana dedaallo iyo qorshayaal lagu kobcinayo dhaqaalaha, shaqa-abuurka, waxna laga qabto sicirbararka xadhkaha goostay, tiiyoo aynu ka faa’idaysanayno fursadaha dhaqaale ee gobolka ka jira iyo khayraadka waddanka, hannaan aqoon iyo waaya-aragnimo ku dhisan.
3.Adeegyada Bulshada iyo Horumarka:Duruufaha nololeed ee bulshadu waxa ay u baahan yihiin in si degdeg ah oo muuqata wax looga qabto. Waxa aad u kala dhiman, meelaha qaarna maqan gebi ahaanba, adeegyadii bulsho, iyada oo aanay wax muuqdaa uga soo noqon bulshada danyarta ah cashuuraha tirada badan ee laga qaado. Waxa taa dheer shaqa-la’aan baahsan oo haysata dhallinyarada, iyada oo 70% dadkeennuna dhallinyaro yihiin. Arrintan oo aan fiiro gaar ah loo yeelani, halis badan ayay keeni kartaa. Waxa habboon in jihaynta siyaasadeed ee dhallinyarada ee aad bilowday lagu kaabo siyaasado cad, barnaamijyo dhanka bulshada iyo shaqa-abuur ah oo dhallinta inteeda kale fursado u abuuri kara.
Mudane Madaxwayne, waxa muuqata in intii Somaliland jirtayba aanay yeelan mashruuc qaran oo ku salaysan horumarin iyo dhismaha dadka. Waxa aannu kugula talinaynaa in si dhakhso ah aad usoo bandhigto mashruuc horumarineed oo cinwaan u noqda marxaladda lagu jiro, muwaaddiniintuna ay hareeraha ka galaan. Soo jeedintayadu waxay tahay in mashruucaasi noqdo mid waxbarashada ama caafimaadka ku qotoma, hirgelintiisuna wax ka beddesho nolosha danyarta, shaqana abuura.
4.Maamul-wanaagga iyo dimuqraaddiyadda:Mudane Madaxweyne, waxa aynu qarankan u dhisannay in aynu helno maamul wanaagsan oo dimuqraaddi ah, abuurana jewi suga dhammaan xuquuqda iyo daryeelka muwaaddiniintiisa. Haba kala waayo iyo wacyi duwaanaatee, waxa Somaliland ku tallaabsanaysay fidinta iyo adkaynka maamulkeeda iyo abuuridda iyo kobcinta hannaan dimuqraadi ah oo gobolka iyo Afrikaba laga majeerto, tusaalena loo soo qaato. Mudane Madaxweyne, intii aad xukunka haysay waxaa soo if baxaya in degaanno dalka ka mid ah oo lagaa doortay ay hadda faraheenna ka baxeen. Sidoo kale, waxa nabarro muuqdaa soo gaadheen dimuqraaddiyaddii aynu magaca iyo maamuuska san ku helnay, saxiibbada iyo taageerada badanna inoo abuuray. Sidaa darteed, waxaan soo jeedinaynaa, xil weynina kaa saaran yahay, in dalka la wada gaadhsiiyo maamulka, taas oo isla markaana lagu kobcinayo tayada iyo hannaanka is-maamulwanaagga. Sidoo kale, waxa Madaxweyne aannu ku talinaynaa in aad qaadato hoggaanka kobcinta dimuqraaddiyada, qabashada doorashooyinkeenna markii lixaad dib u dhacaya, si xilkasnimo, tudhaale, wadatashi iyo waaya-aragnimo lehna u xalliso dhammaan daruufaha iyo khilaafyada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyin xor ah oo xalaal ah, si awoodda doorasho iyo isla-xisaabtanba loogu soo cesho shacabka.
Sugidda xuquuqda muwaadinka iyo xorriyadda ra’yiga:Mudane Madaxweyne, sida ay xustay warbixinta xuuquuqal insaanku, waxaa halkii ugu saraysay gaadhay intii Somaliland jirtay xadhigyada siyaasiga iyo ka la xidhiidha xoriyada rayiga oo ah xuquuq muwaaddiniinta dastuurku siiyay. Runtii dad badani kaa ma filayn in adiga oo ka dagaalamay caddaaladdarro iyo dulmi, in dawladdaadu noqoto tii ugu xidhiga iyo xadgudub badnayn Somaliland, marka la eego xukuumadihii soo maray. Haddaba Madaxweyne, waxaannu kugu la talinaynaa inaad muwaaddiniinta fekerkooda u xidhan sii dayso oo aan laga xayirin xorriyadda inta dastuurku u oggol yahay.
Ladagaalanka Musuqmaasuqa:Mudane Madaxweyne, sidaad og tahay haynta dawladdu ma buurna, waxaa intii dambe jirtay musuqmaasuq baahsan oo saameeyay meelo badan. In kasta oo xukuumaddaadu qaadday tallaabooyin u ekaa in musuqa wax laga qabanayo oo ay jireen masuuliyiin xilalkoodii ku waayay baadhistii lagu sameeyay xafiisyadii ay hogaaminayeen, haddana weli may dhicin in masuul hanti-lunsi sameeyay maxkamad lagu soo taagay oo xukun lagu qaaday. Waxaannu kaa codsanaynaa in aad ku dhiirrato in si dhab ah wax looga qabto boobka hantida iyo xatooyada xoolaha ummadda.
5.Dedaallada Ictiraafraadinta:Mudane Madaxweyne, sida aad ka war qabto waxaa gobolkeena ka socda isbedelo xoogan oo siyaasi iyo dhaqaale iskugu jira kuwaas oo fursado iyo caqabadoba ku keenaya qadiyada aqoonsi raadiska ee Somaliland. Waxaase manta muuqata in ay aad hoos ugu dhacday hadal haynta iyo dedaalada aqoonsi raadinta qaranka. Sidaa darteed waxaannu soo jeedinaynaa in arrinta fiiro gaar ah loo yeesho, iyada oo ishana lagu hayo isbedellada xaaladaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee gobolka iyo dunida maadaama oo adiga iyo dad badaniba u arkaan in halis badan iyo fursado dahabi ahba ay Somaliland kala kulmi karto.
Ugu dambeyn, mudane Madaxweyne, waxa aannu ku niyadsan nahay in aad tixgalin siin doonto talooyinkan iyo kuwa kale eebadan ee bulshadu kuu soo jeedinayso. Haba yaraatee, ma aha dhaliil, waa se muwaaddiniin dalkooda iyo hoggaanka ummaddooda lexejeclo ka qabaa talo ay soo jeedinayeen.
Allaa Mahad Leh
Liiska Dadka Saxeexay:
1.Prof Abdinasir Ibrahim Saacadaale
2.Dr Mohamed Ibrahim Sh Cali
3.Garyaqaan Yuusuf Biixi Muxumed
4.Dr Mohamed Yousuf Culimo
5.Xamda Maxamed Xuseen
6.Ayaan Axmed Xaashi
7.Garyaqaan Cabdale Daahir Aadan
8.Qoraa Cabdinaasir Axmed Abraham
9.Abwaan Cabdiraxman Ibrahim Aadan (Abees)
10.Abwaan Cabdillaahi Xassan Ganey
11.Abwaan Cawaale Saleebaan Ismaaciil (Cawaale Deeqsi)
12.Axmed Cumar Faahiye
13.Axmed Xussein Xassan
14.Ibraahim Muxumed Cabdi
15.Muxiyadiin Yusuf Cadde
16.Abdale Mohammed Ahmed;
17.Cabdiraxman Ismaaciil cumar;
18.Xassan Jaamac Yassin
19.Cabdirahman Aadam Ismaaciil
20.Cabdi Ibrahim jama
21.Mohamed Ibrahim Cabdi
22.Xussein Axmed Cabdullahi
23.Cabdirahman Mohammed Ahmed
24.Jibriil Axmed Cabdi
25.Ahmednasir Hassan Haji
26.Mohamed Abdi Yonis
27.Mustafe Saleebaan Cilmi