Maxkamada Kenya Oo Qaraar Ka Soo Saartay Go'aanka Dawladu Ka Qaadan Karto Dacwada Badda Ee U Dhaxaysa Soomaaliya
Muqdisho(HWN):- Maxkamadda sare Kenya ayaa meesha ka saartay codsi ah in laga mamnuuco Kenya in ay ka qeybgasho kiiska horyaala maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) oo ku saabsan muranka badda la leh ee Soomaaliya.
Garsoorayaasha maxkamada Sare ayaa sheegay bishii octobar ee sanadkii hore in ay maxkamada codsi usoo gudbiyeen Koox 20 qof ka kooban oo u ololeynayay in Kenya aysan wakiilo u dirsan dhageysiyada dacwada badda ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Nairobi.
Kooxdaan waxay ku doodayeen in kiiskaasi u horseedi karo in ay Kenya
lumiso qeybo kamid ah dhulkeeda dastuuriga ah iyada oo aan afti loo qaadin sida
uu farayo dastuurkooda.
Balse, maxakamadda sare waxay sheegtay in kiiskaas lagu xallin doono hab
diblomaasiyadeed, sharci dejin, siyaasad iyo faragalin kale, halkii laga gaari
lahaa go’aan dastuuri ah.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Kenya aysan ka laaban doonin dacwada kiiska
badda.
Dacwada muranka badda ayaa loo farriisandoonaa bisha June ee soo socota,
waxaana la filayaa inay noqo fadhigii ugu dambeeyay ee go’aan looga gaaridoono
khilaafka baddeedka labada dowladdood.