Sababihii Qaladaadka..W/Q Cumar C. Seeraar

0
Saturday February 01, 2020 - 14:08:35 in News by
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababihii Qaladaadka..W/Q Cumar C. Seeraar

    Sababihii Qaladaadka..W/Q Cumar C. Seeraar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababihii Qaladaadka..W/Q Cumar C. Seeraar


Qoraaga wayn ee Maxamed Daahir Afrax buuggiisa Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay (2004: 113) wuxu sababaha burburka Somaliya gundhig uga dhigay faragelin shisheeye.

Image may contain: 1 person, outdoor


Gen: Jaamac Maxamed Qaalib, buuggiisa Khasaarihii Diktaatooriyadda (The Cost of Dictatorship) wuxuu dhaliilaya eeda burburkana dusha ka saaraya in nidaam kasta oo keli telis ah, cawaaqibkiisu yahay bur-bur.


Maxamed Cismaan Oromo, buuggiisa Sababihii Burburka Somaliya, wuxu si cad ugu sheegay in ay sabab u ahayd sad bursiinyo qabiil.


Aw Jaamac Cumar Ciise, buuggiisa Qaran Jabkii Soomaaliya wuxuu xooga saaray in bur-burku ka yimi dadka oo aan ogaynba waxa ka socda dalka iyo mushkiladaha waa beryeyba la so darsaya dalkooda.


Haddaba Buuggan Felegmeer wuxu sababaha qaladaadkii ku habsaday Soomaali u eegaya siyaabo sidaas ka duwan, taas oo aan is leeyahay waa sababihii bur-burka. Si kale haddaan u dhigo wax kasta wa laba: asal iyo farac, haddii qorayaasha hore ee Soomaaliyeed ay isku dayeen in ay balbalaadhiyaan furuucdii sababaha, anna waxaan isku deyayaa in aan so bandhigo usuushii ama asaladii khaladaadka.

Loading...
Loading...