War Deg Deg Ah:-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland Oo Beeniyay Wararka Sheegaya Inuu Is Casilay.
Hargaysa(HWN):- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaliland Salebaan Maxamud Aadan ayaa beeniyay warar maalmihii udanbeeyay la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu gudoomiyaha golaha guurtida Soomaliland uu is casilay.
Gudoomiye Salebaan ayaa sheegay inaanu warkaasi jirin isla markana aanu garanaynin halka laga keenay,waxana uu carabka ku dhuftay in la iman karo damac isla markaana lagula tartami karo kursiga.
Gudoomiye Salebaan ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan"Warka anigu ma hayo,niman golayasha waan arkay oo aan is yidhi warka idinkay idinka keeneen,madaxwaynena inuu xogagaal yahay ayaan filayaa markaa cid arinta ilasoo qaaday,idinkaanu idinka yimid idinkaanu idinku danbeeya ee noo jiheeya."ayuu yidhi Gudoomiye Salebaan
Mar la waydiiyay inay jiraan xildhibaano damaciyay kursigiisa ayaa gudoomiye Salebaan ku ku jawabay sidan"De way dhici kartaa in tag kursiga damaaciyo de u daayade Waa tartane kayaga adkaada ayunba la arkidoona xaaji,xaqbaanay u leyihiin."ayuu yidhi gudoomiyuhu
Mar warbaahintu su,aal nuxurkeedu ahaa inuu khilaaf soo kale dhexgalay isaga iyo madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kaga jawaabay Sidan"Madaxwaynuhu maxaa lur ah ee aan ku haya anigu se isagu igu hayaa mid kaayana dhib uma arko wada joogaayaga ilahay mahadi ayaanu joogna"ayuu yidhi Salebaan Maxamud Aadan
Gudoomiye Salebaan ayaa ugu danbayntii la waydiiyay su,aal u dhignayd in xaladiisa cafimaad wanagsanayn waxana uu kaga jawaabay sidan"Cafimaadkaygu waa taam wax da 'da ka badani ima hayso hadii da,da wax igala qabanaysaana ahlan wasahlan hadii kalana lurka iga daaya"ayuu ku soo afmeeray Gudoomiye Salebaan.
HadhwanaagNews.com
Hargaysa.Office