Madasha xisbiyada oo lix qodob ka soo saaray jaha wareerka Galmudug

0
Saturday February 01, 2020 - 12:37:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha xisbiyada oo lix qodob ka soo saaray jaha wareerka Galmudug

    Sidoo kale Madashu ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay khilaafka ka aloosan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Madashu ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay khilaafka ka aloosan

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, iyadoo Madashu caddeysay inay si dhow ula socotay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Galmudug.

 

Warka Madasha ayaa lagu sheegay in xaalada ka taagan Galmudug ay ka soo bilaabatay kala fogeyntii madaxdii wada shaqeyneysay ee maamulka dabayaqaadkii bishii June ee sanadkii hore, qaabkii lagu soo dhisay guddigii farsamada maamul dhisida iyo hannaankii lagu soo xulay xildhibaannada iyo cabashooyinkii ka soo baxayay odayaashii soo xulay Galmudug-tii Cadaado lagu soo dhisay sanadkii 2015-kii.

 

Sidoo kale Madashu ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay khilaafka ka aloosan Galmudug iyo inay yeelato seddax maamul oo is diidan, kuwaas oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanaya midnimada dadka reer Galmudug.

 





Loading...
Loading...