'' Ilahayoow Tolkay U Gargaar Waad Arkaysaaye '' .

0
Sunday March 31, 2019 - 12:05:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Ilahayoow Tolkay U Gargaar Waad Arkaysaaye '' .

    Maalintii dhawayd ee W/W/Biyuhu magacaabay Maareeyaha Wakaaladda biyaha ee Berbera xoog baa loo hanbalyeeyey ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii dhawayd ee W/W/Biyuhu magacaabay Maareeyaha Wakaaladda biyaha ee Berbera xoog baa loo hanbalyeeyey , dadkaa wax hanbalyeynayeyna qaar kale ayaa qabsaday oo ku haystay hanbalyadda , maalintii dhawayd ee madax waynuhu wax magacaabayna qaarbaa wax hanbalyeeyey qaarna waa ku haysteen .


Maantana magacaabistii u danbaysana sidaas oo kale , dad badan ayaa wax hanbalyeeyey kuwo kalena waa ku haysteenoo waxay lahaayeen maxaa u hanbalyeynaysaan , maalin walbana sidaas ayay u socotaa .



Waxaase aad u cajiiba in odaygii Osman Omar Dool ka cabanayo in looga hiilayay nin dawlada ku jirra oo uu yidhi maxaa looga tegay ee loo raacin waayay Baska xil ka qaadista iyo inankii yaraa ee fariidka ahaa ee Mubaarik Kanadi oo isna lagga raacay hanbalyaddii .


Waxaas oo dhamina waxay ka dhex socdaan Beeshii hogaanka u ahayd Mucaaridka Somaliland ee labadda Xisbi Mucaaridka mayalka u haysay ee lagga rabay in ay dariiq u jeexaan mucaaridada Somaliland si loogu soo hirto oo dadku usoo hiigsado .


Hadiiba tallo , tusaale iyo toosin cidi u holato amaba soo jeediso waar sidaa ma yeelaa ama sidaa maka joognaana wuxuun baa ka kordhaya weerar iyo duulaan ,sidaa darteed anigu wuxuun baan leeyahay Sidii NebiMaxamed Naxariis iyo Nebed gelyo korkiisa ha ahaatee u yidhi '' Ilaahayoow dadkayga u denbi dhaaf waxba ma ogee '' .Ilaahayoow Tolkow u gargaar waad aragtaaye .


W/Q: Ahmed Nuur Guruuje.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...