Muxuu Kulmiye U Furey Wadda Hadalka Somaliya Q.1aad ( Abdi-Shotaly)?

0
Saturday February 01, 2020 - 09:56:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muxuu Kulmiye U Furey Wadda Hadalka Somaliya Q.1aad ( Abdi-Shotaly)?

    Sidda aynu la socono ama aan og-nahay, intii aanu kulmiye xukunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda aynu la socono ama aan og-nahay, intii aanu kulmiye xukunka

faraha ku dhigin, wax ina dhex yaala waxan Somaliya loogu yeedho, haba-yaraatee may jirin. Sadex maamul oo ka horeeyey Qudhmiye, Iyana intuba xadhiga bay u jareen, oo inama ay soo haybsan jirin, maamula-daas oo kala ahaa :-



(1) Kii ugu horeeyey, ee isagu dal-kaba cadawggii cunaayey ka saaray, isaga oo aan sanad buuxa haynin hogaamiya-nimadda Jabhaddii SNM (Ihun), waa Mudane/Gudoomiye/Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Caliye, jeegaanta oo aan rabin Maamul dadku wadda leeyahay, oo ay hor kacayaan Labadda jaahil ee hadda isku magacaaba Mujaahi-diinta, baa taayir in uu rogo u diiday, iyadda oo been ku af rogtay ummadda reer Somaliland.


(2) Kii labaad oo isna ahaa Maamulkii (IHN) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, oo isna ahaa kii salka u dhigay, maamul dawladnimo:


(a) Inoo sameeyey sharciga iyo distoorka lagu tuntay.


(b) Lacagta imika la dabayl raacshay, ee ay bedeshay doolarkii Maraykanku, cid isticmaa-shaana aanay jirin.


(c) Baasaboorka Somaliland-na markii ugu horeysay asaasay.


(3) Mudane Daahir Riyaale, oo isna dhamaan dhisay qaybihii dawladi lahayd, oo dhaqaajiyey in ay shaqeeyaan


(a) Wasaaradihii oo uu dhamays tirey.


(b) Abuuristii Ciidnka Qalabka sidda iyo booliiska tiro ahaan iyo tayaba, marka lagu daro qalabayn-tooddii.


(c) Hay'ydaha caalamiga ah, oo kuli-good inoo yimi.


(d) Gobolka sool oo ay puntland haysatay waa kii kasaaray, ee gacanta ku dhigay, kuna soo celiyey Somaliland.


(e) Waa kii hantidda ay aduunku bixiyaan, ka Jaray in ay somaliya inoo soo maraan,


(f) Hawdeena waa kii Iyana maamul-keedda ku guuleystay, ee dhaba ka maryey Somaliya.


(g) Caalmaka ka dhaadhi-ciyey in aynu maamul gaar ah nahay, oo ayna wax isugu keen jiraa aanay jirin, ee aynu kala hagaagnay.


(h) Ummadda oo wax wadda lahayd, kuna salaysnaa cadaalad iyo wax wadda qab.


(A) Wuxu qabtay 5 doorshao madax-weyne, oo kala ah.


(1) Tii ugu horeysay ee uu ku soo baxay,


(2) Tii uu 80 cod kaga helay Siilaanyo


( 3) Iyo tii Siilaanyo ku soo baxay.


(4) Doora-shaddii Xildhi-baanadda Deegaanka.


(5) Doora-shaddii baarlamaanka. intaas oo si xor iyo xalaal ah u wadda qabsoomay.


Sadex-daas maamul-ba, waa ina-kii kala dhidii-qinay, ee ay ku waasheen baryoo-tinka ah aynu heshiino, wax walba waan idiin og-lahaye iyo caalamku ha na dhex galo, ee san-koodda caano laga lisay, ka bacdina ay wadadda cabeen, candhuuf-toodda ay dib u liqeen, ee inaga rajo go'ay, dhan kaste oo la eega-ba, mana jirin


wax ay inoo saxeexaan, oo loo daba-fadhiistaa, iyadda oo uu xaalku halkaa maraayo akhristaw, baa Qudhmiye yimi, Maxaase ka dambeeyey ee lagu bedelay? Adba tobonka farood baad dhafoorka saari doontaa yaab awgiiye, ka akhri qaybta dambe halkay wax mariyeen haddii Alle idmo.


La Soco Qaybta Labaad.

* N.B Dal Iyo Dad Wadda Socdda Baan Idinku Wareejiyey"( Madax-Weyne Riyaale baa ku Dardaarmay).
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...