Maayarka Laascaanood:-Warbixin Sanadeedkiisii oo Iftiimiyay Waxqabadkii 3Sanno iyo Dakhligooda Oo Aad Uga Hooseeya Degmooyinka Kale
Maayarka Laascaanood, oo Sanadkii taggey ee 2019k Noqdey Maayarkii u horeeyay ee Degmada Laascaanood,oo Shacabka Magaaladaasi Su,aalo furan oo toos ah Wax kaga Weydiiyaan Shaqadooda xilka ay Bulshada u hayaan, Waxeynu Qormaddan Sadexaad kusoo gunaanadeynaa Qeybtii Sadexaad ee Warbixin Sanadeedkiisii 2019ka Wixii ay Shacabka u qabteen, iyo Mashaariicdii ay Qeybta ka ahaayeen, ee ay la kaashadeen Xukuumadda Dhexe, Hay,adaha Samafalka Caalamaiga ah iyo Shirkadahaba.
Isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi.
«Madaarka Laascaanood, oo ah ka kaliya ee ka Furan Dalka, marka laga taggo Madaarka Caasimada dhismaha 5KM ee Madaarka ka D/hoose ahaan anaku Qeybta ugu badan ayaanu kaga Qeybqaadanaynaa Waxqabadkayagana wey ku Suntan tahey ilaa iyo hadda oo aan Wali la dhamays tirin marka loo eego Awoodayadda Dakhli, Waxaanu ku Rajo-weynahay in uu Dhawaan noo dhamaan Doono,Waxaana iska kaashadey oo nagala qeyb qaatey Xukuumada Dhexe ee Somaliland oo iyaddu D/hoose ku kaabtey intii ay Qeybta ku yeelatey taas oo boqolkiiba 25% ah halka Hay,adda USAID».
«Waxaanu Sameynay Saddex Buundo oo kuyaala Wadada Madaarka, ka D/hoose ahaan Waxaanu Dayactir ku sameynay Waddooyinka Marraaga iyo Daladka, halkaas oo khatar Weyn looga cabsi qabey suurtagalna ay aheyd in ay Shilal ka dhacaan»Ayuu yidhi Maayar Cabdicasiis Taarwale.
Isagoo hadalkiisa sii Wata waxa uu Carabka ku dhuftey,in Muddo xileedkiisu ku simey in Degmada Laascaanood laga fuliyo,isagoo ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Qorshe,ay ku adkaan laheyd in laga hirgaliyo Degmadan nidaamka hagaajinta qorshaha Magaalanimo ee (Town-Palaning)ka oo ah mid aad u balaadhan. «Ka Maamul ahaan D/hoose iyo Golaha Deegaanka, iyo Fulintayaddu Waxa aanu ku dhiiraney door weyna kaga qeyb qaadaney sidii looga hirgalin lahaa Degmada Laascaanood, Mahruucan (Town Palaning)ka oo qof Waliba qiyaasi karro culeyskiisa, iyo Saamaynta uu leeyahey iyadoo uu hindihiisu yahey mid ku siman kontonka sanadood,ee soo socda Waxaanu ka maamul ahaan uga mahad celinaynaa,Madaxweynaha,Wasiirka Hawllaha Guud iyo Shacbiga Reer Laascaanood, ee u bislaadey Wakhtigan,in Qorshe loo Sameeyo Dhismaha iyo Fiditaanka Magaalada,iyo Waliba Ciidamada amaanka, Waxaana Xusid muddan in aanu ka Maamul ahaan kaga qeyb galney intii Awoodayadda ah in aanu Dhaqaale bixino».
«Waxaanu soo diyaarinay ka Maamul ahaan qorshaha qeyb ka ah Master Balnka cusub, oo lagu kordhiyay xaddiga iyo cabirka loo dhigo baloodhadda laga dhisayo Guryaha Magaalada, oo halkii uu markii hore ka ahaa 15/15 aanu ka dhigney, 20/20, Sidoo kale Magaalada Laascaanood, anakoo ka maamul ahaan eegayna in Waxweyn laga baddelo habaqankii Faras-Magaalaha si bilicda iyo Fursadu usoo baxdo, waxaanu ka raraneynaa Istaamada looga baxo Magaalooyinka kale, ee kuyaala Gudaha anakoo istaan kasta qaabilsiin doona, Jihadda Gaadiidkaasi uga baxayaan Magaalada Laascaanood, Waxa kale oo aanu ka joojinay gudaha Magaalada Gaadiidka sida Xamuulka Culus, ee lagu rogayo Bakhaaradda Ganacsi ee kuyaala Jidka Wadnaha Magaalada kuwaas, oo aanu ku marney in Rarka laga Roggo niska dambe ee habeenkii, ama ay ku Rogaan Istoodho ugaar ah Bakhaaradda» Ayuu yidhi Maayarku.
«Waxaanu ku rajjo-weynahay in ay boqolkiiba sagaashan nooga hirgalaan, hindisaha Qorasayaasha Waxqabad ee aanu ku saleynay Arimaha aanu xooga saareyno Sanadkan Cusub ee 2020 kuwaas, oo aanu kaga faa,ideysaneyno Waayo-aragnimadii Sadexdii sanno ee aanu lasoo kacaa kufney Waxqabadka aan soo sheegay oo marka heerkayaga Degmo loo eego aanaan u yareysan, islamarkaana, aanu wax baddan ka dabooli doono Mustaqbalka Adeegyadda aasaasiga u ah Bulshada, Waxaananu ku ka qeyb qaadan doonaa Ka Maamul ahaan Biyo Galinta Degmada Laascaanood, oo ay ku Guuleysatey mid kamid ah Shirkad kasoo jeeda Gobolka, oo iyaddu hadda keentay Matooro»Ayuu yidhi.
Gabagabadiina Waxa uu Maayarka Laascaanood, Xusey in aaney Ka Maamul ahaan marnaba ilaawi doonin Waxqabadka ay kasoo Qabteen Gobolka iyo Degmada Mudadaasi kuwaas, oo Doorka Nabedgalayadu Taariikhda u gali doonto islamarkaana, ay kaalinta koowaad kaga jiraan dhismayaasha Saldhigyadda Ciidamada Booliska ee uu kamid yahey Saldhiga Farxaskule, oo Warbixinta Hordhaceeda kujirey.
Waxaanu u balanqaadey Shacabka Reer Laascaanood, in ay hadda soo iibinayaan Laba boqol oo Laambadaha jidadka iyo amniga iyo bilicda Magaalada qeyb ka noqon doonaan.