Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Dhismaha Galmudug Ee Laysku Mari La Yahay, Talana Ka Dhiibtay
Muqdisho(HWN):-Madaxweynihii hore ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhismaha dawlad goboleedka Galmudug.
Ex madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya maamul u samaynta dawlad goboleedka Galmudug inay muujiyaan tanaasul badan isla markaana ay muujiyaan masuuliyad horseeda in Galmudug loo sameeyo maamul lagu midaysan yahay.
Ex madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:-
Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.
Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku
imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug.
Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan
aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba.
Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in
lagaTANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas.
Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid.
Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer
Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo
heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer
Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta
nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira
degaannadooda.
Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka.
Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo
hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn.
Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug.