Cali Baqdaaddi (Khain Dhukur) oo olole Qabyaaladeysan Canada ka bilaabay

0
Friday January 31, 2020 - 20:33:03 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaaddi (Khain Dhukur) oo olole Qabyaaladeysan Canada ka bilaabay

    Cali Baqdaaddi (Khain Dhukur) oo olole Qabyaaladeysan Canada ka bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaaddi (Khain Dhukur) oo olole Qabyaaladeysan Canada ka bilaabay
Hargaysa(HWN):-Soomaalidu waxay tidhaahdaa Bahal Caydhin ma daayo, Ninna caaddo ma baajo, sidii caadadda u ahayd Guddoomiye Baqdaaddi waxa uu mar kale bilaabay olalihiisii qabyaaladda iyo musuqmaasuqa ku salaysnaaa,isagoo adeegsannaaya Xubno beeshiisa ah oo uu Lacag siinnaayo.
Image result for guddoomiye baqdaaddi


Jaaliyadda ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa ka Biyo-diidday hannaanka qabyaaladdeed ee uu u dhaqmaayo, waxaannay ka soo horjeesteen hab-dhaqankiisa gurracan iyo awoodda dawladdeed ee uu u isticmaallay Saddexdii Suxufi ee ka tirsannaaa Warbaahinta Hadhwanaagnews, kuwaasoo uu kula kacay oo uu Amray in la jidh-dilo oo la ciqaabbo, isla markaanna Hantiddii ay lahaayeen uu la wareeggay. Hantiddaas oo la mid ah Camaraddihii, Laptonnadii, Mobilladii, Macrofonnadii oo uu ilaa maanta haysto Guddoomiye Baqdaaddi.

Jaaliyadda ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa deddaal dheer ugu jira siddii ay saddexdaas Suxufi ee Hadhwanaagnews u keenni lahaayeen dalka Canada, waxaannay Jaaliyaddu abaabul ugu jirtaa Mudaharaad ka dhan ah Guddoomiye Baqdaaddi inaanu ku soo laabban dalka Canadda.

Waxa kale, oo ay Jaaliyadda Somaliland ee magaaladda Toronto ay wasaaradda arrimaha dibadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah guddoomiye Baqdaaddi, kadib markii uu ku xad-gudbay Shuruucda Xuquuqal Insaanka, iyaddoo ay Jaaliyadda reer Somaliland ee Toronto ay caddaadis ku saarrayso dawladda Canadda inay Warbixin deg-deg ah ka soo saarto arrintaas.

Haddabb, guddoomiye Baqdaaddi ayaa markii uu ka war helay talaabooyinkaas ay ku hawlan yihiin Jaaliyadda Toronto waxa uu bilaabay inuu Olale qabyaaladdaysan ku kala furfuro Jaaliyadda, isagoo Xubno ka mida beesha uu ka soo jeeddo adeegsannaaya, kuwaasoo sida la ogyahay uu ku faraqaayo Hantiddii ummadda reer Somaliland ee uu Masuuliyaddeeda hayay, taasoo ka mid ah Musuqmaasuqii uu caaddaystay mudadii uu Xafiiskaas Baanka dhexe ee Somaliland uu joogay, iyaddoo uu dhawaanna uu shaqaalaysiiyay Wiil uu dhalay, kaasoo aan sifihii Sharciga ahaa loo marin ee uu hab musuqa shaqadda ku qoray, iyaddoo taasinna ka hor imanayso Xeerka shaqaalaha Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Baqdaaddi ayaa ku hawlan Olale qabyaaladdeed oo uu damacsan yahay innuu ku kala qaybiyo Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Toronto si uu u helo waddo uu ka galo, isla markaanna uu uga raaddiyo taageerro Xukuumaddeed, maaddaama Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi aannay xidhiidho la lahayn Jaaliyaddaha reer Somaliland dalalka caalamka ku kala nool.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...