Xildhibaan Shaaciyey Dacwad Ka Dhan Ah Dawlada Muuse Oo La Gaadhsiiyey Safiirka Midawga Yurub Ee Soomaaliya
Hargeysa(HWN):-Golaha deegaanka degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa kulan la qaatay safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya oo socdaal ku jooga somaliland.
Sida uu sheegay xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Burco, golaha deegaanka ayaa wakiilka kala hadlay saluuga ay ka qabaan saamiga ay dawlada Muuse Biixi uga qorshaysay gobolka mashaariicda laga maalgelinayo sanduuqa SDF.
Xildhibaan Bidhi ayaa sheegay in wakiilka midawga yurub Nicoles Berlenga ay gaadhsiiyeen inaanay ku qanacsanayn saamiga 5% ah ee gobolka Togdheer looga qorsheeyey sanduuqa SDF.
Xildhibaan Bidhi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sidan:-
"Maanta waxa noo sharafa inu boqosho noogu yimi safirka Yurub Somaliland iyo Somalia Nicolas Berlanga Martines 00 26 dal oo yuruba ka waakila .
Wanan kala hadalnay samiga qudhsiga 5 % Togdheer la siyay.
Waxan lenahay yan wariyayaasha lagu galgalan .la xagxgan loo arkin inay iyagu waraqda iyo arinkan wadan .annaga ka hadalnay.annaga leh dib haloogu noqdo sida wax loo qaybiyay" Xildhibaan Bidhi.