War Deg Deg Ah:- Proff: Osman Abokor Dubbe Oo kulan Isugu wacay Wariyaasha.

0
Friday January 31, 2020 - 18:28:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:- Proff: Osman Abokor Dubbe Oo kulan Isugu wacay Wariyaasha.

    Waxaa uu Proff: Osman Goobta ka sheegay Inuu xisbigiisu yahay Mid loo siman yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu Proff: Osman Goobta ka sheegay Inuu xisbigiisu yahay Mid loo siman yahay


Proff: Osman Abokor Dubbe oo ah musharax u taagan Xilka madaxweynaha Soomaaliya Doorashada 2020-21 Ahna Hogaamiyaha Xisbiga Hilow, ayaa maanta oo Jumce ah Muqadisho kulan gaar ah kula qaatay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan.



Kulanka warbaahinta iyo Proff: Osman Abokor Dubbe ayaa ahaa mid Daarnaa Ujeedooyinka Dhowr ah, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu warbaahinta kala hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa " Wadashaqeynta xisbiga iyo warbahinta, In Proff: Osman Abokor Dubbe uu ka shaqeyn Doono Midnimadda Iyo nabadda Dadka Iyo dalka Soomaaliyeed Iyo qodobo kale”.


Proff: Osman Abokor Dubbe ayaa waxaa uu sheegay in hadii Uu ku Guuleesto Hogaaminta Dowlad Soomaaliyeed uu ka shaqeyn Doono Midnimada Iyo nabadda Kuwaa oo ah Astaamaha u gaarka ah xisbigiisa.


Proff: Osman Abokor Dubbe ayaa tusaaale usoo qaatay inta uu ku jiray kulanka wariyaasha in uu "JANNO YAR” helidoonaan dadka soomaaliyeed hadii uu ku guuleesto Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ulajeeday NABADDA IYO MIDNIMADA.


Waxaa uu Proff: Osman Goobta ka sheegay Inuu xisbigiisu yahay Mid loo siman yahay oo aay Garwedeen ka yihiin Guud ahaan dad ku matala Gobolada Soomaaliyeed.


intaasi ayuu ku daray inuu 30sano Mocalim soo ahaa Marka uu muddo xileedkiisa Dhameestana "waaba haduu ku guuleestee” inuu dib ugu Laaban Doono macallimadiisa .


Waxaa uu sidoo kole Proff: Osman Abokor Dubbe Soo hadal qaaday hadii uusan Ku guuleesan Xilkaasi inuu sii wadi doono ka shaqeynta wada jirka iyo midnimadda Somaaliya.


Wariyaashii kulanka kala qeyb galay Proff: Osman Abokor Dubbe Ayaa si weyn ugu Riyaaqay Aragtida Proff-ka waxayni Si toos ah ugu sheegeen inuu yahay "Shaqsiga keeni kara wada jirka iyo midnimada Soomaali weyn 60sano kadib”. Waxayna u balan Qaadeen Inay si dhow ula shaqeyn Doonaan.


Proff: Osman Abokor ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu qaban Doono Shirweynaha Xisbiga Hilow oo aay ka qeyb gali doonan madax iyo bulsho aad u tira badan Halkaasina uu ja jeedin Doono Qudbadiisa.


Proff: Osman Abokor Dubbe ayaa ka mid ah Siyaasiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyiga isla markaana u taagan Xilka Ugu sareeya Soomaaliya.


Waxay taasi Sahli Doontaa hadii uu ku Guuleesto Xilka madaxweynaha midowga Soomaaliya Iyo Soomaaliland Oo muddo Badan Gooni isku-taag ku Jirtay, waxay Sidoo kole Ahaan doontaa madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee isagoo waqooyi kasoo Kasoo jeeda Dowlad dhexe Ee Soomaaliya.

 

Hoos ku reeb Aragtidaada.

Loading...
Loading...