Safiirka Midawga Yurub oo seylici la kulmay iyo Hinaasaha Col. Muuse.
Maxey tahay sababta uu Safiirka Midawga Yurub u baalmaray la kulanka Col. Muuse Biixi xili uu dalka ku sugan yahay?
Col. Muuse ayaa la sheegay in mudadii uu kulanka Safiirka iyo Seylici uu socday in uu u mereysi tegay madaarka Hargeysa.
Mucaaridka dalka oo hore hoos u dhigi jiray dhaliilaha Col. Muuse ayaa haatan dunida la wadaaga xadgudubyada ay xukuumadu ku keceyso.
Isweydiintuse waxa ay tahay, inteey ku qaadaneysaa taageereyaasha reereysan ee Col.Muuse in ay indhaha furaan oo ay ka dhiidhiyaan habdhaqanka xukuumada dhank a ka raran ee Kulmiye. Hadhwanaag News Hargeysa
Hargeysa(HWN)-
Safiirka Midawga YurubMr. Nicolás Berlanga Martinez ayaa booqasho uu
magaalada Hargeysa ku yimi waxa uu la kulmay madaxweyne ku-xigeenka
Somaliland xili uu dalka ku sugan yahay Col. Muuse Biixi.
Arinkan
ayaa waxa sababay ka dib markii Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya uu
dalbaday lakulanka Cabdiraxmaan Seylici, baal marayna la kulanka Col
Muuse.
Col. Muuse ayaa la sheegay in mudadii uu kulanka Safiirka iyo Seylici uu socday in uu u mereysi tegay madaarka Hargeysa.
Dalalka
deeqaha ku saacida Somaliland ayaa bilaabay dhaleeeceynata iyo culeys
saarida Col. Muuse, ka dib kolkii ay soo baxday in aanu u hogaansameyn
shuruucda dalka iyo rabutaanka ummadda.

Loading...
Loading...