Wasiirkii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Xabsiga Muqdisho Oo Kismaayo Gaadhay Iyo Halka Uu Maray

0
Friday January 31, 2020 - 14:02:33 in News by
  • Visits: 3366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Xabsiga Muqdisho Oo Kismaayo Gaadhay Iyo Halka Uu Maray

    Wasiirkii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Xabsiga Muqdisho Oo Kismaayo Gaadhay Iyo Halka Uu Maray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Xabsiga Muqdisho Oo Kismaayo Gaadhay Iyo Halka Uu Maray


Wasiirka Amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo dhawan ka baxsaday xabsi ayaa la sheegay in uu gaaray magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsdan maamulka Jubbaland.

Janan


Sida ay booliska Soomaaliya sheegeen, Janan ayaa ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa ee Muqdisho, 28-kii January ee 2020-ka.


Telefishinka ay leedahay dowladda Jubbaland ayaa ku warramay in Janan uu hadda Kismayo ku sugan yahay.


Sida ay wararka sheegayaan, Cabdirashiid Janan wuxuu Kismaayo ku gaaray doon, balse ma cadda meesha ay doontaas ka soo qaaday.


Janan waxaa la xiray bishii August, 2019-kii waxaana lagu eedeeyay dambiyo culus" oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.


Dowladda jubbaland waxay xariggiisa ku tilmaamtay afduub.


Ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya, Sareeye-guuto Zakiya Xuseen, ayaa Talaadadii shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiida Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.


Wasiirka Amniga Jubblanad waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid "in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa", sida ay sheegeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.


Hay'ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay "in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay".


Hay'adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan "looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha".


Balse, Bishii Juun ee sannadkii 2019-kii ayay soo shaacbaxday warqad ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay ku burinaysay dacwad Cabdirashiid Janan ka taallay maxkamadda kaas oo uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ee Soomaaliya.


Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku astaysnaa 30 kii bishii Abriil ee isla sannadkan ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid maxkamadeed oo horay maxkamaddaasi uga soo baxay.



Loading...
Loading...