Safiirka Midawga Yurub oo seylici la kulmay iyo Hinaasaha Col. Muuse
Maxey tahay sababta uu Safiirka Midawga Yurub u baalmaray la kulanka Col. Muuse Biixi xili uu dalka ku sugan yahay?
Col. Muuse ayaa la sheegay in mudadii uu kulanka Safiirka iyo Seylici uu socday in uu u mereysi tegay madaarka Hargeysa.
Mucaaridka dalka oo hore hoos u dhigi jiray dhaliilaha Col. Muuse ayaa haatan dunida la wadaaga xadgudubyada ay xukuumadu ku keceyso.
Isweydiintuse waxa ay tahay, inteey ku qaadaneysaa taageereyaasha reereysan ee Col.Muuse in ay indhaha furaan oo ay ka dhiidhiyaan habdhaqanka xukuumada dhank a ka raran ee Kulmiye. Hadhwanaag News Hargeysa
Hargeysa(HWN)- Safiirka Midawga Yurub Mr. Nicolás Berlanga Martinez ayaa booqasho uu magaalada Hargeysa ku yimi waxa uu la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland xili uu dalka ku sugan yahay Col. Muuse Biixi.
Arinkan ayaa waxa sababay ka dib markii Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya uu dalbaday lakulanka Cabdiraxmaan Seylici, baal marayna la kulanka Col Muuse.
Col. Muuse ayaa la sheegay in mudadii uu kulanka Safiirka iyo Seylici uu socday in uu u mereysi tegay madaarka Hargeysa.
Dalalka deeqaha ku saacida Somaliland ayaa bilaabay dhaleeeceynata iyo culeys saarida Col. Muuse, ka dib kolkii ay soo baxday in aanu u hogaansameyn shuruucda dalka iyo rabutaanka ummadda.

Loading...
Loading...