Hiigsiga Tayaynta Haayadaha Qaranka

0
Friday January 31, 2020 - 07:14:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiigsiga Tayaynta Haayadaha Qaranka

    Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Abdi
 waxaan ku hambalyeynayaa magacaabista uu maanta (20.01.2020)  u magacaabay Ahmed Abdi Ismacil  inuu noqdo Agaasimaha Guud (AG) ee Wasaarada Horumarinta Khayraadka Biyaha. Axmed Cabdi Ismaciil waa shakhsi aqoon ahaan dhisan, leh karti, khibrad iyo waayo-aragnimo ah xagga maamulka iyo maaraynta heer kasta oo ay yihiinba. Sidoo kale, waa shakhsi leh bisayl iyo waayeelnimo shaqo iyo mid bulshaba taasoo u sahlaysi inuu si fiican ula jaanqaado Hay’adaha Dawliga ah.


Haddaba, aniga aragtidayda, magacaabista uu M/weyne MBC u magacaabay Axmed Cabdi Ismaciil inuu noqdo Agaasimaha Guud (AG) ee Wasaarada Horumarinta Khayraadka Biyaha waxay ina tusaysaa in Madaxwayne MBC uu ku talaabsaday rarida geedigii lagu dhisi lahaa Hay’adaha Dowliga ah (Public institution building) taasoo ay bulshada JSL baahi wayn u qabtay. Mar labaad iyo mar saddexaadba Madaxweynaha waanu ku hambalyaynaynaa geedigaa uu raray ee looga gudbay marxaldii Qaran Dhiska ee loogu gubay Dhisida Hay’adaha Dawliga ah iyo horomarintooda. Mudane Axhmed Cabdi Ismaciil waa shakhsi Madaxwaynaha  Jamhuriyada Somaliland la taban taabin kara geedigaa Dhismaha Hay’adaha Dawliga ah.

In taa kadib, aan dib u milicsano marxaladaha ay soo mareen iyo baahida loo qabo dhismaha Hay’adaha Dawliga ah haayadaha dowliga ah iyo sida ay wax uga badalyso guud ahaanba tayada nolasha muwaadiniinta JSL iyo weliba dareenka wadaniyadeed iyo ka Dawladeed. Hadaba Somaliland mudo 28 sano ah waxay ku jirtay qaran dhiska iyo nabad dhiska, kuwaasoo ay guula waawayn ka soo hoysay. Hase ahaate waxa haatan loo baahan yahay in looga gudbo marxalada  labaad oo ah horumararinta ( Development) oo ah sida kaliya ee looga midha dhalin karo dedaalada hore ee qaran dhiska iyo nabada ahaa. Haatan waxa la soo gaadhay xiligii muwaadiniinta reer Somaliland nolashooda wax laga bedali lahaa,  xag waxbarasho , xag caafimaad, xag Cadaaladeed, xag Dhaqaale iyo xagga tayada nolashaba.

Sida kaliya ee arrimahan kor ku xusan lagu gaadhi karaa waa horumarinta iyo tayaynta  Hay’adaha Dawliga ah, si ay awoodii, aqoontii iyo kartidiiba ugu yeelan karaan inay bixiyaan adeeg hufan oo tayo leh oo ay bulshadu u aydo. Geedigaasi looga gudbayo marxalada Qaran Dhiska ee loogu gudbayo marxalada horumarka waxaan ku gadaaman caqabado aad u badan oo u baahan in si farsmaysan looga gudbo.

Isku shaandhayntan ugu dambaysay ee uu Madaxweyne MBC haatan sameeyey waa mid uu mudnaanta ku siinayo xagga hoggaaminta iyo hagista siyaasada (political leadership commitment) taasoo uu Madaxweynuhu ku waajahayo xalinta caqabadaha ka horeeya u gudbida marxalada  labaad oo ah horumar( Development). Haddaba, bulshada Somaliland waxaa ku waajib ah in lala shaqeeyo Madaxweynaha JSL si loo hiigsado horumar waara iyo Hay’ado Dawli ah oo si karti iyo hufnaan leh u guta waajibaadka iyo masuuliyadaha ay Qaranka ugu igman yihiin.

Qoraa:Mukhtaar Osman Abdi Hoori

Email:[email protected]

Phone:+252634249709
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...