Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Maarantay Shaqaalihii Hay'adda ICAO Ee Hagida Diyaaradaha

0
Thursday January 30, 2020 - 21:12:52 in News by
  • Visits: 3061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Maarantay Shaqaalihii Hay'adda ICAO Ee Hagida Diyaaradaha

    Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Maarantay Shaqaalihii Hay'adda ICAO Ee Hagida Diyaaradaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Maarantay Shaqaalihii Hay'adda ICAO Ee Hagida Diyaaradaha

Hargeysa(HWN):-Maareeyaha hay’adda duulusta hawada ee Somaliland, Cabbdi Maxamed Rodol, ayaa sheegay in Somaliland aysan u dhutin bixitaankii shaqaalaha hay’adda caalamiga ah ee duulista ICAO, kuwaas oo horey gacanta ugu hayn jiray shaqada madaarka Hargeysa.
Image may contain: 6 people, people standing and suit



Bishii June ayay ahayd markii Somaliland ay shaqada ka joojisay 42 shaqaale oo katirsanaa ICAO, kadib markii lagu qasbay inay iska casilaan shaqada hay’adda ICAO, balse ay diideen sidaasina ay ku baxeen.


Cabbdi Maxamed oo warbixin siinayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho kormeer ah ku tagay madaarka ayaa u sheegay in dhalinyaro reer Somaliland oo bartay cilmi duulista hawada ay la wareegeen shaqadii ay qaban jirteen howlwadeenada ICAO.


"Waxaan madaxweyne kuugu bishaaraynayaa in imanadeenii aan kusoo tababaranay Ethiopia ay maanta la wareegeen shaqadii ICAO inoo qaban jirtay, maanta ma jirto wax looga baahan yahay shaqaale bannaanka mooga yimaada,” ayuu yidhi maareeyuhu.


Inkastoo uu sheegay inaanay marnaba ka maarmin taageere bannaanka, hadana wuxuu maareeyuhu kalsooni buuxda ku muujisay in dhalinyarada buuxiyeen dhammaan ajnabi laga raadin lahaa.
Loading...
Loading...