Astaamaha Lagu Garto Qarannimo-diidka Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday January 30, 2020 - 18:04:41 in Articles by
  • Visits: 1793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Astaamaha Lagu Garto Qarannimo-diidka Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Astaamaha Lagu Garto Qarannimo-diidka Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Astaamaha Lagu Garto Qarannimo-diidka Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay


Cadowga qarannimo-diidka ku caan baxay waa laba nooc guud ahaan. Mid waa mid toos u caddaystay oo aan hoosaasin kuula imanayn. Kan ugu khatarsani waa mid aan hore looga dareemin cadaawada, oo u eekaanaya kolba meesha uu marayo sidii jirjiroolaha. Wuxuu iska dhigaa mid aaminsan qaddiyadda Soomaalilaan, hasayeeshee waa munaafad aan weligii aaminin Soomaalilaannimada. Wuxuu inta badan ku meeraystaa meelaha ay Soomaalilaan-tu dhaliisha ka leedahay, aakhirkana wuxuu quus ka muujiyaa sidii ay u sii jiri lahayd qaddiyaddu, waana halka uu u socday. Dhawr tilmaamood ayeynu kooxdaasi ka bixin doonaa:

Image may contain: 1 person


= Wuxuu ku doodaa in beelaha darifyadu aanay qaddiyadda Soomaalilaan intooda badani aaminsanayn


= Wuxuu carrabka ka dhawraa ku dhawaaqidda SOOMAALILAAN, oo wuxuu yidhaahaa WAQOOYI iyo KOONFUR


= Shaqo la’aanta gudaha Soomaalilaan ayuu u aaneeyaa inay keentay gooni-isu-taaggu


= Ku dhawaaqistii Soomaalilaan 18/5/1991 ayuu dood ka keenaa oo uu yidhaa looma dhamayn, beelaha qaarkood ayaanay cidi ka joogin


= Wuxuu inta badan ku dhex jiraa dhallinyarada ugu badan Soomaalilaan ee ku dhashay Soomaalilaannimada, si uu ra’yigooda u beddelo.


= Wuxuu aad ugu dheeraadaa haddii ay Soomaalidu midowdo in barwaaqo ceegaagta cagaha lala geli lahaa, oo Itoobiya la iska celin lahaa


= Doodaha Soomaalilaan ugu qarnaqsato inay la soo noqoto qarannimadeedii ka luntay 1960, ayuu hoos u dhigaa oo yidhaa adduunka meello badan ayaa la isku xasuuqay oo waa laga heshiiyey markii ay dawladdii wax xasuuqday meesha ka baxday


= Wuxuu buunbuuniya shakhsiyaadka aqoonyahanka ah ee adduunka ku kala sugan ee ku caan-baxay Soomaalilaan-diidka. Waxaanu col daahood go’ay la yahay shakhsiyaadka aqoonyahanka ah ee adduunka ku kala sugan ee qaddiyadda Soomaalilaan aamisnan


= Waxa badan safaradiisa Muqdisho iyo Turkiga oo wuxuu ka qaybgalaan shirarka loo qabto burburinta Soomaalilaan.


= Dhaqaale ahaan wuxuu ku tiirsan yahay lacagaha Soomaalilaan lagu burburinaayo, oo isaga oo aan meelna ka shaqayn ayuu hudheellada kala beddelaa. Kolba goob cusub ayuu tagaa si uu afkaarta sumeysan ee Soomaalilaan-diidka ah ugu fidiyo.


= Wuxuu ku tasbiixsadaa kelmadda, SOOMAALIYEED, SOOMAALIYEED, SOOMAALIYEED. Isaga oo carrabka ka dhawraya SOOMAALILAAN, SOOMAALILAAN.


= Wuxuu ku doodaa 30 ayeynu bilaa ictiraaf ahayn wixii ka dambeeya sidan kuma sii jiri karno. Wuxuu meesha ka saaraa in adduunku aanu aqoonsanayn dalka Taywaan oo ay dawlad ahayd muddo 60 sanno ah.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...