Dawlada Ruushka Oo Indhaha Ku Haysa Saldhig Ciidan Oo Ay Ka Samaysato Berbera

0
Thursday January 30, 2020 - 15:27:14 in News by
  • Visits: 3287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dawlada Ruushka Oo Indhaha Ku Haysa Saldhig Ciidan Oo Ay Ka Samaysato Berbera

    Dawlada Ruushka Oo Indhaha Ku Haysa Saldhig Ciidan Oo Ay Ka Samaysato Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Ruushka Oo Indhaha Ku Haysa Saldhig Ciidan Oo Ay Ka Samaysato Berbera


Hargeysa(HWN):-Dawladda Ruushka ayaa indhaha ku haysa inay dekedda Berbera ka samaysato saldhig milatari.




Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa cadadkiisii shalay wuxuu qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay "Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruusku uu xidhiidho badan la sameeyay Afrika, kuwaas oo uu kaga samaystay kalsooni.


Wargyeska oo so xiganaya sarkaal maraykan ah oo ka tirsan waaxda gaashaandhiga ee maraykanka ayaa sheegay in meelaha uu ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekeda magaalada Berbera ee somaliland, kuwaas oo doonaya inay u noqoto goob ay saldhig muhiim u ah kaga samaysan karaan gacanka Cadan.


Wadamada Shiinaha iyo Maraykanka oo saldhigyo ciidan ku leh wadanka Jabuuti oo xeeb la wadaaga isla dekedan Berbera ee uu Ruushku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto.


Sidoo kale wargeyska ayaa sheegaya in dawlada Ruushku ay doonayso inay saldhigyo dhinaca saadka ah ka samaysta dalka Eritrea balse saraakiisha maraykanka ayaa aaminsan inaanay wali cadayn inta ay qoto leeg tahay wada xaajoodyada u dhaxeeya Ruushka iyo Eritrea ee arintan ku samaysan.


Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiisha Maraykanku ay hada lafa gur ku samaynayaan wax ay ugu yeedheen tartan weyn oo awood ah iyaga oo tilmaamaya inay si dhaw ula socdaan saamaynta sii kordhaysa ee Ruushku ku leeyahay Afrika iyo waliba tan dalka Shiinaha halka ay Washington la halgamayso himilooyinka amni iyo dhaqaale ee ay la eedahay Afrika

Loading...
Loading...