Waa Ka Daroo Dibi Dhal Haddii Dumarka Baarlamaanka Somaliland 30% La Siiyo.

0
Thursday January 30, 2020 - 08:00:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waa Ka Daroo Dibi Dhal Haddii Dumarka Baarlamaanka Somaliland 30% La Siiyo.

    Waxay Somalidu tidhaa QOFKA AAN WAXA JOOGA GARANIN WAXA SOO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay Somalidu tidhaa QOFKA AAN WAXA JOOGA GARANIN WAXA SOO
 SOCDA MA GARTO. DAD BADAN OO PROFESSORS AH IYO AQOONYANO REER  SOMALILAND AH ayaa si qoto dheer ula socda xaalaadaha wadanku galay tobankii sano ee u dambeeyey . Waxaanay rumaysan yihiin haddii Dumarka 30% la siiyo Baarlamaanada inay wax hagaagayaan. Waxa jira waa khaasatan laga bilaabo Institutions kii oo  si private ah loo isticmaalay, laga bilaabo Madaxweyne Siilaanyo iyo  qoyskiisu xoolihii badh kenya gaysteen,badh  UK,  badhna Imaaraatka Carabta, intaa kumay joogine wasiiradiii kusii daayey Qasnadii Wasaaraddaa oo mid walba waxaad leexsan karayso leexso yidhi. BAARLAMAANADII OO LA FASAHAADIYEY OO FOODKII SHARCI SAMAYN TA IIB KII XOOLAHA OO KALE LAGA  DHIGAY OO WELIBA SAYLAD WAALAN LAGA DHIGAY. WELIBA XOOLAHA IYO DANTA GUUD HA LA GURTEE WAXAA LA GELIYEY WAX AAN WADANKA FAAIIDO UGU JIRIN. Badh  debedahaa loola cararay badhna hotels iyo Dhul kumaankun lagu dayray ayaa meel walba laga sameeyey. Berbera ayaan xeebta dhinac walba u raacay iyadoo madaxda Magaaladu u tusayaan baloogyada waaweyn iyo dadka kala leh, waxaa la I lahaa TAN OOMAARBAA LEH TAN SIILAANYO AYAA LEH, TAN INA AWSAEED BAA LEH TAN MAAYARKAA LEH TAN MUSE BIIXI BAA LEH TAN AAMINA WERISBAA LEH TAN DAHABSHIILBAA LEH,  TAN XOORXOORBAA,  TAN DAN DALABBBAA LEH , TAN QOLADA GAASTAA LEH ILAA BULLOXAAR WAA DAYRARKAA SHAYDAAN.  MID WALBA in ka  badan konton kun oo USD ah baa lagu dayray.  Dadkan waxaa ku dhacay cudurka la yidha MANSION MANIAC. Dawlado Carab iyo reer Europe ah oo intay yimaadaan warshado kaaga samaynaysaa ma jiro, cid wadaniya oo iibsankartaa ma jirto waa lacag khasaartay iyo dhul la cadilay. Lacagtuna gidigeed waa lacagtii Wasaaradaha ee dalku lahaa.  Nin walba oo dayrarkaa ootay xitaa kontansano sii mootanaadaan dayrarkaa wax lagu falayaa ma jirto.



Markaad eegto xaaladda doorashooyinka ee la baabiyey iyo dhaqanka dawladnimo ee reer SOMALILAND  ee caynkaas ah ee Barlamaanada feedh ka ka dhex socda aynu ognay iyo qacan ka hadalka iyo Madaxtooyada feedhka iyo laadka iyo quraaradaa Madaxweynuhu tuurtuuraayo  maxay ciddii caqli lahay idinla tahay marka Baarlamaanka 30% Dumar laga dhigo oo noqonaya 24.6 dumara waa afar iyo labaatan dumara oo xildhibaano ah iyo gabadh la kala gooyey oo badh joogo. Bal scenario da u fiirsada  markay durmarkaa xildhibaanada la isku diro oo ay fadhi walba isku boodaan.waxaa saa soocda haddii  dumar Baarlamaan laga dhigo xaaladda ay ummadnimo iyo Dawladnimo aynu marayno waa KA DAR OO DIBI DHAL.  ANIGU dumarka  kama soo horjeedo ee meesha rag ay daba galaan ma joogaan hadday Baarlamaano tay iyo hadday Madaxweynayaal tayba markaa soddonka sano ee kale ee soo socda hoosbaynu u sii soconnaa haddaynu SOMALILAND  nahay. Shacabkan la qayb qaybiyey ee halkii Dawladnimo loo samayn lahaa Dayrar la loo sameeyey ee qaar is leeyihiin waa qatantiin qaarna isleeyihiin idinkaa dayaxa gaadhaya waa wada khasaarteen oo waxaad tihiin BISADDII SOOFAHA LEEFTAY EE....

M BASHE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...