Hadalka Raysalwasaare Khayre Iyo Maalgelinta Mareykanka. W/Q Maxamuud Xeef

0
Thursday January 30, 2020 - 07:48:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalka Raysalwasaare Khayre Iyo Maalgelinta Mareykanka. W/Q Maxamuud Xeef

    Bulsho, waxa ay horumar ku gaadhaa tirade iyo tayada dhalinyaradda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulsho, waxa ay horumar ku gaadhaa tirade iyo tayada dhalinyaradda,
Somaliland waxay ka mid tahay dalalka ugu dhalinyaradda badan dalalka caalamka, balse ugu tayadda liita, marka ay timaado shaqo la’aanta, eexda, iyo xirfad yaridu.

Kobaca dhaqaale ee dal, waxaa lagu horumariyaa, ka faa’ideysiga illaha dhaqaale ee uu haysto sida badeedac la dhoofiyo, maal gelin gudaha ah, mid dabadeed iyo kaalmo horumarieed oo dhaqaale, laakiin maanta intaasiba Somaliland kama jiraan oo waa xitaa haddii ay jiraan aan loo sinayn, ama si isku mid ah looga wada faa’ideysto, balse maaha mawduucani mid arintaa ku saabsan.



Gundhiga, hadalkaygu wuxu yahay in dawlada federaalka Soomaaliya ay ka dhawaajisay in laga bilaabi doono maalgalin hal-abuur ganacsi oo loo sameyn doono dhalinyardda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan magaalooyin Somaliland ah, sida Burco Iyo Hargeysa, dhaqaalaha maalgelintan hal-abuurka ku baxaya waxaa bixisay dawlada Mareykanka oo gaadheysa 1.6 Milyan oo Dollar, gaar ahaan sanduuqa caawimada ee US AID.


Haddaba, ma mashruucan oo keliya ayaa Somaliland u soo maray dawlada Soomaaliya? jawaabtu waa maya, waxaa jiray mashruucyo badan oo Soomaaliya soo mari jiray, ka hor intii aan la sameyn sanduuqa SDF ee horumarinta Somaliland sannadkii 2012.


Si kastaba, maanta dhalinyaradda Somaliland waxay u baahan yihiin gacan qabasho, dhan walba ah waxaana haboon, in dawlada Mareykanka lagala hadlo sidii dhalinyaraddu u heli lahayd gacansiin wax ku ool ah.


Ugu danbeyntii, iyadoo gooni isutaaga iyo qaranimadu tahay mid la wada illaalinayo haddana danta ummadda yaan loo lumin, qof meel ka hadla ama shaad dawladeed soo xidhay oo dan gaar ah leh . Waxaana jira siyaabo kale, oo dhaqaalaha hal-abuurka dhalinyaradda loogu talo galay loo heli karo maanta dunida waa xaafad waxna uma kala qarsoona.

Maxamuud Xeef

Arimaha Dhalinyaradda #101

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...