Somaliland Waa Cid Walba U Jabto ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday January 30, 2020 - 07:41:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Somaliland Waa Cid Walba U Jabto ( Abdi-Shotaly).

    Qofku inkastuu is yeel-yeelo, oo is yidhaaho shaadh kale u soo gasho ummadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofku inkastuu is yeel-yeelo, oo is yidhaaho shaadh kale u soo gasho ummadda,
sidda jirji-roolaha kolba midab isu yeel, yaan lagaa garan, oo wax aanad ahayn iska dhig, weji kii aad lahayn ka duwan la soo bax, oo sumcad beena ku samayso, si kaste oo uu is yidhaaho booga-haaga qari iyo waxa aad tahay yaan la ogaane, dafiro sawirka shakhsinima-diisu ay tilmaamayso, ama dambabas oo go' kale huwo aan lagugu aqoonin, in yar bay taasi u shaqaysaa mudo kooban ah, aakhirka-se way soo gabtaa, oo xagga samadda baa rabbi ka kashifaa, waxana uu hoos yimaadaa cadceedda oo duhur ah, isaga oo qaawan iskana xayday maraddii, oo sawri-kiisii dhabta ahaa baa ku soo baxa si lama filaan ah, wuxu is arkaa isaga oo banaan taagan, wixii uu is lahaa ded-na, uu af-kiisu hayn kari waayey, sheegaayana ceeb-tiisa. ilayn qofna dib loo abuuri-maayo'e, iyadda oo aan meel kale looga iman, cid sheegtay-na aanay jirin buu is qarxiyaa isaga laf-tiisu, sidda askarigan la yidhaaho " Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay" wax uu galgasho-ba, hadba ciiro aan qarinayn uu is yidhaaho dhgex qaad-ba, wuxu ku dambeeyaa sheekaddii ahayd " Cadceedda Sacab laguma Qarin Karo oo waa Daahir Yaa Shamis" taas oo banka keenta obocdiisa goor aanu wax ka qaban Karin, iyadaana is shaacisa, oo is faafisa, meel walbana sidda tv-yadda iyo idaacaddii BBc-da iska sii daysa, waxa hadaba sidaas saaka ka dhigan askariga " Ila-Meeraysadda" ku warwaree-gaaya ee magaca khiyaaliga ah isku sheega ( Isku sheega Mujaahid aanu meela us oo marin).



Nimaan taqaano uur-kiisa baad ku jirtaa baa hore loo yidhiye, haduu askarigii uu si wacan isugu sii dhamooqay waqdiisii, bal daya wuxu maantana la yimi, si kaste oo wax loogu sheego, isma doorsho dhagax. Ilaah ha u naxariisto'e  Ismaaciil cagaf baa waxa ka mid ah baydadka ku jira heesi-hiisa qaraamiga ah baa wuxu yidhi " Dhirtoo I maqashaan I dhaafteen, oo dhagaxay damqan-laa dhadhaabka ah" u jeedadu waxa weeye, dhegihii ilaah waaniyaa waansan, ee kani waa dameer sayax daaqay iyo kibirkii dherga ee uu la danaaniyi jirey. bal daya wuxu yidhi, idin-ba waad yaabi doon-taane. Markii uu tegay Jabuuti isaga, Geenyo shaaximan,  ka Ganacisga u qaabilsan, Ka maaliyadu,Waxay soo saxeexay, in Xadhkaha ay leedahay shirkadda la yidhaaho" Viper Optic" la soo mariyo xeebta Badda Berbera " Arintaas oo laba cisho horteed uu ka tegay Farmaajo Jabuuti, isaga ooku heshiiyeen in uu ka dhameeyo "Raggii ma adigaa Ka hadhay" Keliggii taliyaha Ina Geelle Basala amar ku siiyey askariga in xadhka-haa khasab ku ogolaado. Ilayn waxa ina Xukuma Isaga'e ( oo Kolba waa ka Fijaanadda muqmadda ah u sii qaad'e),


Aqoonta handaraab qof-na kama dedna, in uu is bartaa baa wanaagsan. Waxan maqli jirey Hebel ciyaalkaa ogaaday, kan bay hadaba cid waliba ogaatay in uu yahay meel madha. Akhristaw cid walba u jabnay waa kaas Ina Cumar Geelle ina xukuma ( Ina Geelle Baslka Jabuuti). Imika muxuu la bood-boodayaa marka lagu soo qabtay beenta, ee uu siddii hal rimay ah ula goojinayaa. kolba uu meel isugu qaadayaa siddii hal cadho qabta, kolba geed ugu xogonayaa. Ha qirto denbi-yadda ay dalka ku xaraashaeen, kulana dhgex jireen SNM isaga iyo saaxiibkii Geenyo Shaaximani. Waxan ku soo xidhay qoraalkan. nina wax aanu ahayn iskama dhigi karo, hore waxa loo yidhi "Nin is faanshay waa ri' is jaqadaye" Wax uu ku beer laxaw-sadaa dadka, wax aan jirin iyo mujaahid baan ahay, waana la og yahay wuxuu ka qaban jirey SNM, taas oo ahayd kala jebinta uu u kala saari jirey " Calan Cas iyo Reer Qaaxa". iyadda oo ay siidaas tahay mujaahid-nimadda uu sheegtaa, buu hadana khiyaali doonayaa in uu dadka ka dhaadhiciyo. Horaan u idhi " Wixii xuduudda ka talaabay-ba maaha Mujaahid" qaar baa ahaa noociisa oo xiniinyaha hayey SNM, dar baa basaasiin ahaa, kuwo kale baa u qaad doontay, wuxu-ba hadeer waxay inoo sheegtaan sidiisa mujaahidiin, ee miyeynu ka yeelaa? Waa la kala yaqaanaa dadkii halganka dhabta ah ku jirey iyo kuwii cidh-baha goyn jirey, ee ay ka midka ahaayeen labadan askari. waa riyo neefaaq waxay ku andacoodaan iyo ina wax kama jiraan.
* N.B Somaliland Waa Cid Walba U jabto!
Qore:- Abdi Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...