Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo" God Abeeso

0
Wednesday January 29, 2020 - 11:12:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo" God Abeeso

    Anigoo wareersan oo dhegtaydu gooni u dhawaaqayso ayaa aan ka tegay, dabadeed Waabbari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo wareersan oo dhegtaydu gooni u dhawaaqayso ayaa aan ka tegay, dabadeed Waabbari

"Ninka ugu ildheer baa dadka ugu ayaan daran, wax aan lala arkeynbaa isaga uun u muuqdee”—dhowr qof, oo dhallinyaro iyo waayeelba leh ayaa aan waydiiyay in aan nahay ummad xor ah iyo kale. Laakiin waxaa iigu darnaa nin 60-jir ah oo aad iigu qayliyay. Waxa uu igu tilmaamay wiil yaroo waalan oo hooyadii aanay si fiican u nuujin naaska. Dabadeed waxa uu ii sheegay in waddankeennu xor yahay.

 

Anigoo wareersan oo dhegtaydu gooni u dhawaaqayso ayaa aan ka tegay, dabadeed Waabbari ayaa aan u soo socdaye, waxa aan is arkay anigoo sagaal saac oo galab nimo shaah xaraar badan ku cabaya Xamar wayne. Sannadkii aan soo dhaafnay baa ay ahayd markii aan bartayda faysbuugga ku qoray maqaal gocasho ah oo aan ciwaan uga dhigay "Maxaan u waynaaday?” Ma ciil baysan ahayn markii aan lagula dareensanayn xanuunka laabta kaa haaya? Ma wareer baa aysan ahayn markii dalkaagu dhowr iyo labaatan sano gubanayay welina tubaashu ka baxayso? Sow murugo maaha markii qarankaagu bilaa rajo yahay? Sow gar maaha in ilmadu kaa gobo’layso, mar haddii mustaqbalkaagu yahay shilin kor loo tuuray, islamarkaana aadan ogayn sida wax noqon doonaan.

 

Ninkii daawaday Filimka "NEW WORLD ORDER” baa xaqiiqda ogsoon. Cabsi waynaa! Waxaa ka sii cabsi badan mashruuca Qarammada Midoobe ee " Sustainible Development Goals” kaasoo ujeedkiisu yahay in haayaddu quwad ku maamusho dadka, tacabka, tamarta, xoolaha, biyaha iyo guud ahaan ilaha dhaqaale ee dunida. Waxaa ay haayadda iyo la taliyaasheedu ka fikiriyaan sidii ay uga warqabi lahaayeen hal canbe oo dhulka uga soo dhaca geed walba oo ku yaal meel adduunka ka mid ah, dhanka kale, dowladaha marka hore waa ay la saaxiibayaan, kuwii ay dhaqaale ku kala qaybin karaan waa ay sii kala qaybinayaan. Kuwii siyaasiyiintoodu wax-ma-garato yihiinna waa u cambuulo carrab saaran.

 

Aniga iyo in kaloo ila mid ihi waxa aannu ku noolnahay dal yar oo la kala jarjaray, islamarkaana, hareerihiisa baasiin lagu belbelayo, dabadeedna la doonayo in dab la qabadsiiyo. Waxa ay ii sawirayaan rajo been ah. Dalkaygoo gubanaya ayaa ay i leeyihiin wuu soo kabanayaa? Hadduu soo kabanayo maan nabad ku naalloodo? Maan waxbarasho lacag la’aana helo? Siddeed jaamacadood ayaa la’ iiga eryay lacagtii waxbarashada oo aan iska bixin waayay aawgeed, dabadeed waxa aan iska daayay waxbarasho oo dhan, haddii aanay jabhadii baas dalkayga dumin lahaynna waxa aan heli lahaa waxbarasho bilaash ah, koranto bilaash ah, adeeg caafimaad oo bilaash ah iyo xitaa daryeel dowlad nimo. Kulliyaddii lafoole ayaa aan macallim nimo ka baran lahaa, dabadeedna bare ayaa aan noqon lahaa, laakiin waxaas oo dhan waxaa god mugdi ah ku riday jabhadihii af-ku-dhiiglayaasha, uur-ku-dhiiglayaasha, gacan-ku-dhiiglayaasha iyo jeeb-ku-dhiiglayaasha ahaa.

 

Ugu danbayntii, ma garanayo masiirkayga, waxaa dowlad ii ah, haayad NGO oo UN-ku taageero, xaqiiqda waa layga qariyaa, waayo? cid baa danteeda ka aragta. Waxa aan soo xusuusanayaa, nin aannu saaxiib ahayn oo hooyadii xanuunsatay, dabadeedna Xamar u soo qaaday. Magaalada Gaalkacyo ayaa uu ka soo qaaday, kolkuu isbitaalka geeyay, baaris ka dib dhaqtarkii waxa uu u sheegay in ay qabto "Cudurka Kansarka” weliba uu dhuunta ugu yaal oo deg deg u dhiman doonto. Naxdin buu la jarciyay oo la dhididay waayo cudurka hooyadiis laga sheegay mid fudud maahan. Ninkii waxa uu xogtii la wadaagay in yar oo qaraabadii ah, dabadeedna waxaa heshiis lagu gaaray in aan hooyada loo sheegin in ay kansar qabto. Muddo ayaa lagu daldalayay kaniiniyaal kala caynad ah. Waxaa loo sheegi jiray in ay dhowaan caafimaadayso, dhaqtarkuna uu cudurkeeda ku tilmaamay mid iska fudud.

 

Gobolkii ayaa loo celiyay. Waa ay sii darsatay. Xamar baa loo soo celiyay haddana. Muddo ayaa la maaweeliyay, kaniiniyaal tiro badan ayaa haddana farqaha looga buuxiyay, dabadeed gobolkii ayaa lagu celiyay, ugu danbayntiina iyadoo aan cudurkii ogaan bay si silac ah u dhimatay. Geeridii hooyadaas iyo geerida Soomaaliyana si baa ay isugu dhowyihiin. Hooyada kansarka u geeriyootay wiilkeedu, murug buu la noolaa, waayo waxa uu mar walba ka fikirayay goorta uu wayn doono hooyadiis, sheekaduna waa " NINKA UGU ILDHEER BAA DADKA UGU AYAAN DARAN,WAXAAN LALA ARKAYNBAA ISAGA UUN U MUUQDE” -- In muddo ah ba, goba nimo ayaa dadkaygu sheeganayay. Waxaa ay isku tilmaamayeen kuwa ugu nasiibka badan dunida, laakiin xaqiidu sidaa maahan, gobanimadu waa sidii gobanimo abeeso, sheegashada nasiibkuna waa ayaan darro mug wayn haddiba ay ka indho la'yihiin gumaysiga casiriga ah iyo hardadka maskaxdeenna ka soconaya iyo xitaa kan tooska ah ee aan tooska u daawanno.



 

W/Q: Cabdisalaan Axmed "Ceeryaamo”


[email protected]

29-jannaayo 2020

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...