Berberi Waa Magaalo Caynkee Ah

0
Tuesday January 28, 2020 - 08:14:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berberi Waa Magaalo Caynkee Ah

    Toddobaadkii tagay ee bishan Jan 2020,waxa aan booqasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobaadkii tagay ee bishan Jan 2020,waxa aan booqasho

gaaban ku tagay  magaala madaxda   gobolka Saaxil   ee  Berbera, safarkayga   oo  ku wa jahnaa  magaalooyinka  ku dhereran xeebaha  Jamhuuriyada  Soomaaliland .



Haddaba  intii aan ku sugnaa  magaalada Berbera, waxa  I soo jiitay  dhismayaal   qadiim ah  oo  ka dhisan magaalada   kuwaas oo ka  turjumaya  Xadaarada  iyo  ilbaxnimada    soo  jireenka ah   ee ku dheehan  ama aad  ka akhrisan kartid   sooyaalka   taariikheed ee  faca-weyn   ee ku gadaaman  magaalad, kaas oo ina tusinaaya  in ay magaaladu   soo jirtay qarniyo  badan.


Waxa  I cajab  galiyey     dhaqamadii wanaagsanaa ee ay lahaayeen dadkiii    hore  ee ku noolaan jiray  magaalada Berbera,   kuwaas oo ay ka mid ahaayeen marka sakad   dhisma ah ba   la jeexaba lagu xigsiinaayey   dhismaha Masjid  iyo malcaamad Qur`aan,  taas  oo ku tusinaysa in ay masaajidu  isku jiraan 20 talaabo amaba wax ka yar ,waa arrin  mucjisa ah oo cajiib ah,sidoo  kale fooqaqa  qadiimka ah  ee gaboobay dushooda sare  waxa aad ku arkaysaa  dhismayaal yar-yar   oo loo ekaysiiyey   qaab Masaajid,  kuwaas oo laysheegay  in ay dadkii lahaa guryahaasi ay  habeenkii ku  cubaadaysan jireen ,  waxa  aynu  halkaa ka fahmi karnaa   in ay dadkaasi  ahaayeen dad ehlu  diin ah. Waxa   magaalada Berbera ku yaalla goobo  badan oo taariikhi ah, sida  Masjidka  Turkigu dhisay  oo aan ilaa iyo maantadan  dhismihiisu duugoobin welina aanu isbadalin ee uu sidiisii uun uu  yahay .

 

Berberi  waa magaalo ganacsiyeed  waxa ku taal  Dekeda  Soomaaliland ugu weyn  iyo  Madaarka Afrika   ugu dheer, waxa  mudooyinkii  danbe   la dayac tiray    wadooyinka magaalada dhexmara , waxaana kor looqaaday  bilicda magaalada  iyadoo dhir  iyo caws  lagu beeray, waxaana  lay sheegay in maayirka magaalada  Cabdishakuur Maxamuud  Cidin   iyo bulshaduba  ay kaalin mugleh ka qaateen hagaajinta   deegaankooda. Waxa jir tahay  in horumarka magaalada  Berbera iyo gobalka  saaxilba uu soo jiitay  hadal haynta  warbaahinta dalka .


In kastoo  aannu la kulanay   Duqa  magaalada Berbera  hadana   noomay suurta  galin  in aanu weyddiino  wax su`aala ah  oo ku saabsan howlaha  magaalada, waxaanu xilligaas ku mashquulsanaa  Sarfay  uu magaalada  ka dhexsaaray  iyo  qan cinta dadkii wadada soo galay ee   dhistay, xilligaa  uu  shaqada addag  ku jiray , waxa uu u muuqday nin faraxsan oo  dhoola cadaynaya  oo dadkana  si yar oo fudud  u qancinaaya , waxa  aaan arkaayey oo ay indhahaygu qabteen gabadh aad u cadhaysan oo  lahayd dhisme aan ka hordhisay  meheradayda  ayaa aad dumisay  sidee ay u dhici kartaa , markii ay ku qaylisay  Maayirku muu xanaaqin ee  isagoo    dhoola cadaynaya  oo waji furfuran ku eegaya  gabadhii  ayuu yidhi :- " Gurigiina  hebel berigii hore  malahaa „


Markaas  bay tidh : haaa

Markaas buu ugu jawaabay  :  meheradan laba jeer  ayaa la raaba qaaday  oo wadada la soo galiyey  miyaanaan  anagu berigii hore fadhiisan jirin .

Gabadhii  waxa ay ku jawaabtay :  yaa   oo aan u fahmay    in ay ku darsatay  dhisme  sharci dara ah  oo aanay lahayn .

 

Qalinkii  : Maxamed Muuse  Cilmi 

Bariise [email protected]

0634149171  Hargaysa Soomaliland

 

  

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...