Ruuxii Dab Kugu Shidda, Adna Olol Ku Sii Daa Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday January 28, 2020 - 08:10:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ruuxii Dab Kugu Shidda, Adna Olol Ku Sii Daa Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

    Horaa loo yidhi " Ilayn af aand lahayn lama qabto" qofku haduu is yidhaaho wuxuun dheh,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horaa loo yidhi " Ilayn af aand lahayn lama qabto" qofku haduu is yidhaaho wuxuun dheh,
  oo aanu u midaan dayeyn wuxuu sheegaayo waa balaayo, haduu ku fekero uun ha la yidhaaho hebel baa waxaas sheegay, waa midh subxaana-laah. Ka la yidhaaho " Geenyo shaaximan" ee isku magacaaba Wasiir ku sheega waxa ay u bixiyeen Arimaha gudaha, kaas oo aan geeriddii nebiga ogayn, Wuxuu leeyahay-na aanu micno u haynin uu ku saleeyo, xaal-kiisu noqday iska sii daaya, wuxuu markaa ku sifoobayaa kii la yidhi " Af noolina wuu hadlaa ey waa ciyaa"  Bal in uu iska dabaala-naayo wuxu yahay-na aanay jirin haba-yaraatee, baa inta dad isi soo dhex taagay ku hadaaqay 30 weriye oo Hargeysa ka shaqeeya baa lacag ka qaata maamulka Farmaajo. wax cadayn ahna ma hayo, ee saw maaha saxaafad cabudhin ay askartu kaga takhalusto war-baahinta madaxa banaan, taas oo ay ku doonayaan in beenta aan sal iyo raad mid-na lahayn, ee ay ummadda u sheegayaan in aanay ka shifin. Wax kale oo dhan maaha, ee waa waxxa aanu walaaqayno yaan nalaku qaban. dabeed meel aan loo fadhiyin bay kolba ka fad kudiyaan, ilayn waa wax aan lahayn meel loo raaco'e. intan yar bal iyana ila akhriya saaka baan tiriyee,waa duni aakhir saaban wakhiga lagu jiraaye.


Aan kula dardaar-moo, kuu digo dad-kaygaw,
Maba hayno dawlade, yaa durbaanka loo tumi,
Dulin baa inagu degay, daaniyaha masruufoo,
Dooggii way idlays-teen, waxad dahab lahayd iyo,
Dalkii waa la iibshee, maxaad daawanay-saan.


Dilaaliintan shaqo tegay, aday kugu dul nool-yiin,
Carab duubka xidhan baa, dux-daaddii la siiyoo,
Deked way xaraasheen, Dagaal bay ku geliyeen,
Isku dire dad-kiiyoo, way kala dareer-sheen.
Daab-cad isugu dhiiboo, dixdda dhiigu wadhan yahay.

Ruuxii dab kugu shidda, adna olol ku sii daa,
  Qofka dabinka kuu xidha, adna dabarka ku adkee, 
Ninka dakano kaa gala, dube madaxa kaga jiid,
Isba diidyey waan-waan, maxaa adi ku daba dhigay?
Duufaan ku kiciyoo, ha dayaanto mawjadu,
Debcis yaanu kaa helin,  ninka roobku ugu da'ay, 
Duunyo aanu soo dhaqan, ka durduurtay caanii,
 
Hilib-kaagi duudsiyey, dalqadaw baneeyee,
Dibnaa subaga mariyee, dibiradda qufacayee,
Kaa dhamaystay dufankii,daan-daansi xoog-liyo, 
Ku sii daray haraatidda, ka dul daacay kii dhaqay, 
Kibir-kaas kuugu sii daray, dulmi-gaas intaas leeg, 

Kuu daabtay gudntee, dabar goynta kugu wadda,
Nina kama dahsoonee, daayin wuu arkaayaa, 
Waase doqone yeelkii. caqligaa daboolane, 
Dareen kala dhaqaaqoo, waxa buka damiirkee,
Miyuu daawo leeyagay? Dar illaahay uma dhiman, 

Wuxuu hoos u soo degi, markuu dacaska leefee,
Dib miyuu u soo bixi, kolka iilka loo diro? 
Nabsi baa dambeeyee, bal aan eegno door-kana, Halkuu dabadda uu dhigo, 
duugiisu wuxu noqon. 
Daciif liidi weliggii, beenta waa dudubiyaa.

Kan yaan lagu tiigaalin naf-tuun baa ku jirta oo abdda ma laha'e.
Hees ay qaado Hodan Cabdiraxmaan dheere, baa waxa ku jira midho ah " Ha ciyo maan-laawuhuye, caruur iska hadasha iyo ka soo qaad meel cidla ah",  Hees kale oo uu leeyahay Xasan Ganay oo ay wadda qaadaan Sahra Ahmed (Ihun) iyo Samatar, baa waxa ka mid ahaa iyana ereya-deedda " Dul weynaw maroodiga, guud-kiisa takartii dayaan ku taagnayd, isagoon dareemayn, ta hor-tiisa duushana daniyaayey baad tahay" Muxuu cid kale ka sheeegi isaga baa la shaqaysta Xamar oo ay cadaan ku tahaye, waxa la yidhi " Nin ambday halkuu maray way ula ekonayde" Waxan-se kaga ciil la'ahay waa aqoontii aynu naqaanay, ee wax inagu cusub maaha, Qaybta labaad waxa aynu kaga hadli doonaa inta jeer ee ay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani" ay toos u wadda fadhiis-teen maamuladdii kala dambeeyey ee Xamar ka kacay iyo waxay ku heshiiyeen.
La Soco Qaybta 2aad.
* N.B Caruur Iska Hadasha Iyo, Ka Soo Qaad Meel Cidla Ah.
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...