Qafaalashadii Raage Ugaas ee Garaxajis iyo Qafaalashada Cabdisalaan Axmed Cigaal ee Fahad Yaasiin!W/Q Siciid M. Gahayr

0
Tuesday January 28, 2020 - 00:20:39 in Articles by
  • Visits: 2033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qafaalashadii Raage Ugaas ee Garaxajis iyo Qafaalashada Cabdisalaan Axmed Cigaal ee Fahad Yaasiin!W/Q Siciid M. Gahayr

    Qafaalashadii Raage Ugaas ee Garaxajis iyo Qafaalashada Cabdisalaan Axmed Cigaal ee Fahad Yaasiin!W/Q Siciid M. Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qafaalashadii Raage Ugaas ee Garaxajis iyo Qafaalashada Cabdisalaan Axmed Cigaal ee Fahad Yaasiin!W/Q Siciid M. Gahayr


Raage Ugaas Warfaa Samatar Fooljeex, waxa lagu maamuusaa in uu yahay boqorka gabyaaga hore ee Soomaalida, waxa uu curiyay meeriska ah:

Image may contain: 1 person, beard and closeup


"Hoyalaayey hooyalayeey hoyaley hooye”


Waxa jirtay mar la soo afduubay Raage Ugaas oo yar. Sheekadan waxa aan labaatan iyo dhawr sanno ka hor ka dhegaystay Idaacadda Raadyaw Itoobiya, laanta Afka Soomaaliga. Isaga oo da’ yar ayay qoyskoodii galeen col ah Isaaq/Garaxajis/Habar Yoonis, waxaanu ka mid noqday dad iyo duunyo la soo kaxaystay. Aabbihii waxa uu ahaa nin Ugaas ah. Xeerkii qafaalashada ayaa la mariyay "Si aannu u soo deynno wiilka, waxa aad keentaa 100 halaad” ayaa la yidhi. Waxa uu aabbihii ku arkay astaan yaab lahayd isaga oo da’ yar.


Aabbihii waxa uu yidhi "Walaw aan jeclaa in aan ogaado waxa laabta wiilkayga ku jiray, haddana la odhan maayo Ugaas Warfaa ayaa sharciyeeyay in ubadka laga bixiyo qafaalasho. Sida aad doontaan ka yeela”. Ugaas Warfaa waxa uu arkay wiilkiisa Raage Ugaas oo gabyaya isaga oo tobaneeyo sanno ku dhaw. Waana xilliyada la afduubay uun.


Nin ay xigaal yihiin Raage Ugaas ayaa loo diray dhulkii Habar Yoonis, qoyskii uu Raage la joogay ayuu iskaga dhigay xool-raac doqon ah. Markii dambe waxa uu la soo baxsaday Raage Ugaas oo yar, waxaanu keenay qoyskoodii iyo aabbihii. Ugaas Warfaa ayaa ninkii ku yidhi "Waad ku mahadsan tahay samatabixinta wiilkayga. Maxaan abaal-marin kaaga dhigaa?’. Ninki waxa uu yidhi "Saami la mid ah wiilashaada uun i sii haddii ay dhaqasho, dhisme qoys iyo taakulaba tahay”. Waana laga aqbalay, sidii ayuu ninkaasi ula sed iyo sooryo ahaa wiilashii Ugaas Warfaa ee uu Raage Ugaas ka midka ahaa.


Imaka haddii Cabdisalaan Axmed Cigaal oo saddex bilood iyo dheeraad ku xidhan Muqdisho, isla markaasna aan maxkamadi xukumin, lana dacweyn faraha laga qaadi waayo… Tallaabo iyo talo kale waa in la keeno.. Xadhigga an jid iyo daw la is marin wuxuu keenaa nac, kala fogaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...