Qaranimadu Qorshey ubaahanyahay!!!!W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

0
Monday January 27, 2020 - 23:45:27 in Articles by
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaranimadu Qorshey ubaahanyahay!!!!W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

    Qaranimadu Qorshey ubaahanyahay!!!!W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaranimadu Qorshey ubaahanyahay!!!!W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil


Aasaaskii Jamhuuriyadda Somaliland waxa laga joogaa muddo ku dhow soddon sano oo ay ka hirgashay dawladnimo qaangaadh ahi, halka Somaliya aanay ilaa imika ka hirgalin dawladnimo dalka wada gaadha Iska daaye xiita dawladnimo si wacan uga hirgasha caasimada Muqdisho.





Hadana waxa war dhiilo ah noqday hadal ka soo yeedhay xukumada Somaliland gaar ahaa wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Kaahin oo saxaafada la wadaagay hadal udhignaa in dawlada Somaliya farogalin ku hayso somaliland isagoo si gaar ah u carabaabay saxaafada iyo TV-yada ka hawlgala Somaliland.

Image may contain: 1 person, smiling, sunglasses

Waxa ayaan daro wayn ah inay xukumada Somaliland iska daa inay saamayn ku yeelato siyaasada Somaliyee xiita awoodi waydo inay abuurto qorshe iyo siyaasad xal u hela bulshada Somaliland ee ay ku soo badanayso la shaqaynta iyo qayb ka ahaanshaha Somaliya , Taa badalkeedana ay abuurtay dawlada Somaliya siyaasad iyo barnaamijyo bulshada Somaliland lagu dhexgalayo Laguna qancinayo midnimadii madhalayska noqotay .


Hadaba waxa biyo kama dhibcaan ah in ay dawlada Somaliland abuurto qorshe balaadhan oo Wadaniyada,Midnimada iyo faa'iidooyinka dawladnimada Somaliland
Umaddan u leeyahay lagu kobcinyo la hirgaliyo sidoo kalena daraasad balaadhan lagu sameeyo caqabadaha ku xeeran farogalinta . Halkii saxaafada lala taagnaan lahaa hanjabaad iyo hadidaad joogto ah. Waxa hubaal ah in arintaas maxsuulkeeda oo toggan degdeg loo heli doono.


Hadii kale waxa xaqiiq ah in ay dooda gooni isutaaga Somaliland iyo midnimadii Somaliya dhex Iman doonto gudaha Somaliland iyadoo xadhkaha goosatay meel laga qabtana aan lahayn.


Haldalkayga waxan kusoo gunaanadayaa qaranimada Somaliland dhayal Laguma heline dhiig badan baa u daatay, caruur badanina way u aabo iyo hooyo beeleen, hanti badanina way ku baaba'adaye , yaynaan qorshe xumo iyo hogaan xumo ku waayin maanta.


Gullied Moh Ismacil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...