Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Kana Jawaabay Su,aalo Bulshadu Soo Waydiisay

0
Monday January 27, 2020 - 13:20:05 in News by
  • Visits: 2722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Kana Jawaabay Su,aalo Bulshadu Soo Waydiisay

    Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Kana Jawaabay Su,aalo Bulshadu Soo Waydiisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Kana Jawaabay Su,aalo Bulshadu Soo Waydiisay


Hargeysa(HWN):-Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa ka hadlay xaaladaha uu haatan dalka ku jiro.


Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa uu kaga jawaabay su,aalo badan oo uu sheegay inay soo waydiinayeen bulshada somaliland.

Natiijada sawirka ugaas Axmed cali mahdi


Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) ayaa qoraalka uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews waxa u u dhignaa sidan:-


Marka hore waxay mahadi u sugnaatay Weynaha aan addoonkiisa ahay, Mar labaadka waxaan salaan iyo duco u dirayaa dhamaan Umadda Reer Soomaaliland meel kasta oo ay joogaan.

Ta seddexaad su’aalo ayaa asaxaataydu beryahanba si isdaba joog ah ii soo waydiinayeen, waxaanan jeclaystay inaan si kooban ugu wada jawaabo.


Afeef, afeef, afeef;

Jawaabahaygu Hebelo gaara iyo Reero midna kuma wajahna, Reeruhuna sharaf, xishmad iyo qadarin bay mudan yihiin ee yaan xumaan la marmarin.


1- Ugaas beryahan maxaad u aamustay ?

Jawaab:


- Dhaaxaan jalaadee dheg baan jalaq la ii siin.
- Hadala haamo lagama buuxsho.
- Dhegihii Alla waaniyaa waansan
- Af Waa kane may lagu aamaa.

2- Mucaaridkii wuu isla aamusay ee maxaa laga filayaa?

Jawaab;


Wadanka Mucaarid waayaa sidaynu maanta nahay ayuu noqdaa ee taa hala ogaado.


- Wisiir Maxamed Kaahin ayaan berigay mucaaridka ahaayeen ku idhi; Maxamadoow,waxaan aniga oo Qurbaha ka imid arkayo miyaydaan arag? maxaad uga hadli waydeen mise waxaad rabtaan inaan idinkana berri laydinkala hadal.


Waxaanse muran ka joogin in ereyga MUCAARID uu ceel qudha kawada cabbay.


Mucaaridku maanta Waa laba:-
a) Mabd’a u mucaarid .
b) Maskab u mucaarid.



Siyaasiyiinta mucaaridku in badani mucaaridnimadoodu Waa ku fool eri mansab loo dhiibo oo Madaxweyne Muse ka quudaraynaya yeedhmo,sidii marar hore dhacday ee markiiba ay ilaabeen wixii ay odhan jireen iyo af kala waaxii.


Inta mada’ u mucaaridka . Iyagana Waxaan odhan lahaa :-


Heegaa jinaa lay gashe
Hadal ma joogeene
Haaneedka sheegaye
waxaan hidin lahaa yeela.
Wixii mucaarid xalaali qaban jiray oon nabadda iyo jiritaanka Dalka waxba yeelayn, cadawgana ka farxinayn ku dhaqaaqa, waayo mucaaridka fiicani waa toosinta iyo sixitaanka Xukuumadda.

2- Waxa jira Fardaha beretanka,Faraska dheereeya ee faras fuul xumi helaa ee Faras magaani dhaafaa laba ayuu mid noqdaa:-


a) Inuu waasho.
b) In boqnaha biyo galaan.
Labada jeerbana wuu dhaqasho ka baxaa oo laguma tashado inta badan.

Bal u fiirso Dalkeena miyayna labada xaaladoodba ka muuqan maanta shicibkeenii?


-Imisaa waalan oo isla hadlaya?
-Imisaa nolosha dhaqaajin kari la’a?

3- Maxaad shicibka kula talin lahayd?

Jawaab;


- Shicibka waxaan odhan lahaa, ku kale mooyee kani galbaye, wixii dambe doorta"faras fuul fiican”

- Ballan qaadyada iyo kelmadaha fiicfiican ee madaxdu ku Ololeeyaan wakhtiga doorashadada ee Badda la macaaneeyo,ha dalbadaan in Boodhadh waaweyn loogu qoro lana dhigo Madaxtootada horteeda, oo haduu kasoo bixi waayo aan berri qabiil lagu difaacin ee meel looga soo wada jeedo.

- Guriga Madaxtootada, waxbaa ku jira ee culimada halayskugu keeno oo Quraan halagu akhriyaan.

Waayo, kii galaaba arrinkiisu wuxuu noqdaa markaaba Allaw sahal.

4- General Guulwade hadalkiisii.


Jawaab;
Ninka Xamar ka hadlay ee Guulwade,
Lana ogaa siduu u galay maatidii iyo magaalooyinkii ereyo uu yidhi , maba
istaahilo in wakhti badan jawaabtiisa lagu lumiyo amba la geliyo, waayo xaalkiisu waa "Hebel col baanu nahay iyo ku ogi”.
Xukuumaddu talaabaday sharciyan ka qaadayso iyadaa u igman oo u xil saaran.

Xusuusin;

Madaxdhaqameed ahaan waxaanu ka midaysan nahay inaan baraha bulshada layskaga jawaabin.
Qolooyinka media waxaan ku boorinayaa in HIRGO..HIRGOda la joojiyo.


Wa bilaahi tawfiiq.

Loading...
Loading...