Dhibka Haysta Dhalinyarada Somaliland

0
Monday January 27, 2020 - 07:56:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1151
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhibka Haysta Dhalinyarada Somaliland

    Caawa waxa ilasoo xidhiidhay wiil dhaliinyaro ah oo ku nool magaalada Hargaisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caawa waxa ilasoo xidhiidhay wiil dhaliinyaro ah oo ku nool magaalada Hargaisa.
Wuxu in mudo ah ku xidhna social media haygii hore ee la xidhay iminkana wuu isoo helay. Wuxu ii sheegay in uu Masters ku haysto IT ama technology ga bartay shaqana uu ka dhakow siin layahay ilaa iminka. Waxay iigu darnayd buu yidhi, markii aan saaka aqalkayagii kasoo jarmaaday si aan suuqa ugu faafo oo shaqo u doonto. Mar dambe oo aan soo daaley waxna aanan hayn ayaan hooyaday oo iyaduna suuqii heebaysa sidayda arkay. Waa utegey si aan u salaamo. Waxay iwaydiisey inaan wax helay iyo in kale. Intaan hoos eegay ayaan ugu jawaabey, maya hooyo. Waxay iisoo saartay basraaceedii oo ay igu tidhi 'hoo adigu ku raac aan anigu iskasii lugeeyee" Waxan ku idhi hooyo, balan ayaan leeyahay ee adigu ku raac." Hooyaday miyaan idhaahdaa adigu lugee? Maya! waxan is waydiiyey, geeridu mar bay nolosha dhaantaay, bal maxaad ka nooshahay?

Kadibna waxan is idhi, bal Fathia Absie waydii inay wejigeeda kuu isticimaasho oo ay cid shaqo kuu waydiin karto.



Walaahay waan muraaradilaacay. In badan ayaan ka hadlay tahriibka, laakiin caawa waan garaabay! Fadlan, hadii aad reer Hargaisa tihiin oo aad garanaysaan cid shaqaale u baahan ama aad idinku meherad ku haysataan oo aad u baahantihiin cid aad shaqaalaysaan, iisoo sheega walaalayaal!


Bawdo rag maalinba midbaa qaawane, fadlan ha dhayalsanina reer Hargaisoow!

Jizaakalaahum!


W/Q Fathiya Absiya

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...