Meer-Meer Ma Uu Hadhin ( Abdi-Shotaly).

0
Monday January 27, 2020 - 07:34:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meer-Meer Ma Uu Hadhin ( Abdi-Shotaly).

    Tixdani waa baroor-diiq aan u tiriyey, raggii aadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdani waa baroor-diiq aan u tiriyey, raggii aadka
  u mudnaa, ee dalkan iyo dadkan u soo halgamay, kaas oo haatan ay silcina-yaan, labadan askari ee la kala yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani", Waa tix taariikho badan xambaarsan, taas oo wax ka sheegaysa marxalado badan oo jilibka lagu soo dhuftay. Sooyaalkii ayaamihii dagaalka lagula jirey Faqashta, ee uu hor kacaayey Af-la-haarkii Ina Bare, waa la hayaa oo may halaabin, cid ay ka qarsoon tahay-na ma jirto, wixii markaa caqli lahaa ee ka nooli. dunidda dawaar laguma rogin, oo ilaahay siduu sheegay ( Yoomal-qiyaamii) umuu duuduubin, waa la joogaa, waana la dhaqan yahay, wixii dhacay-na waa laga dheregsan yahay. waa la kala og-yahay, ninkii laxoodda ka qaadi jirey Xarshin, ee aan wax kale loo diran jirin iyo mujaahi-diintii asligga ahayd, sidda illaah haw naxariisto'e Mujaahid Mohamed Xaashi Diiriye ( LIxle). Inta aanan sii talax tegin, maansadan oo la yidhaaho " Meer-Meer Ma Uu Hadhin" ee ku soo dhawaadda.


Alle Maganti weeyeeMiimley tixaan degay,
Kuma taranto Malaha'e, ha maguuijn baa idhi,
Ruuxii mergana-yaw, mash-qac hayska ruubine,
Waxa loo miskeedaa, maansa-ba hogeediyo,
Milic-siga u gaariyo, mayxaana-heediyo,
Ma hadhooyin-keediyo, taariikho murug-liyo,
Masalooyin dhaliyaa, ay magaabi-saayoo,
Mas awood ku faanoo, muruq shicibku siiyeen,
Ku mafaax-sadoo idil, guray makala-hooddii,
Mid maroor-sadoo keli,madax-nimaddii uu rabay,
Miyirkii ka laashoo, meeraaysta hawadaas,
Cirka hirar ka muuqdiyo, loo muujay waxan jirin,
Kibir uu la murux-saday, kala dhacayo meel baas, 

Wanka macasha weynaw, Meer-meer ma uu hadhin
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Imisaa is marayoo, meeshaba adays ka leh,
Waa maalin-taaddii, malagii ku galay oo,
Maan xumo daraaddii, loo maro waayoo,
Cidi inay la muran-taba, maskaxdaba an gelinoo,
Maqaarkii libaax-yadda, loo geliyey madaxoo,
Midna aan istaahilin, maxaan araganay waayuhu,
Maafish u boqra-dayoo, Araggii maroodiga,
Lagu yidhi masaa-tiin, meela aan ka soo gelin,
Milgahuu ku baaniyo, miiq-na aanan siisteen,
Mugan dunidan joognaay, dad maxaad lugoysoo,
Malawgii ku kala tegay, u dambaysay meel xumi,

Wanka macasha weynaw, meer-meer ma uu hadhin,
 Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Maxaa hoog la kawsaday,makhrib reera-hoo degay, 
Aan Masiibo filanayn, maydal caana-heeddii,
An is idhi ka soo maal, muusanaw is dhaafoo,
Meel layga soo galay, masiibadu waxay tahay,
Marna aanan garanayn, maxaa lay humaajiyey,
Maxaa duul habaar qabay, maqaar-kayga la col ihi,
 Magacayga diidani, waxba kama mutay-sane,
Dagaal laygu miisoo, maxaa jiraba lay odhan,
Siigadu mudh ay tidhi, meelaan diriri oolayn,
Midgitaa ha socotiyo, La onkoday madaafiic,

Wanka macasha weynaw, Meer-meer ma uu hadhin,
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,
 
Midi lay afays-tiyo, magli faash ka weyn iyo, 
Gosha mudac i geli-yeen, mudo lay lisaayoo,
Madhi-yaay la yidhiyoo, midi yuu ka soo hadhin,
Rag la miirto daayoo, aan la dhaafin maatadda,
Ma yeedhaanki laayeen, marwo uur leh gawracay,
Maal waxaan lahaa iyo, moodkii  layga qaatoo, 
Murdi-yaaydu yeedhoo, ka adeegay maydkii,
Mishiikh-saday wixii jiray,Meel ay ku noqotana,
Tahay Murugo iyo ciil, is miinee runtii timi, 
Minan-kayg kii galay, wixii uu mulkiyeyee,
Uu maroojay xoolaha, lagu dilay masaakiin,

  Wanka macasha weynaw, Meer-meer ma uu hadhin ,  
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,
 
Hal-yeggii muquurtee, duqayddii la miirtiyo, 
Madaxday xidheen iyo, ugu galay madheeree,
Habeen madawga laga baqo,Lixle Mooski jebiyee, 
Intii meesha ugu jiray,  muhiimkii ka saaree,
Midh-Midh loola soo baxay, fiinta muusanawggii,
May bidin miciin oo, marag looma wadda noqon,
Markay kabaha xooreen, mid-ba meel ka dhacayee,
Ku madiixay guushii,  Faqashtii ku madhatee,
Yaa maali jirayeey,  mulki-geedda kii dhacay,
Gacan lagu muquunshee, gidhli-gaan la daba maray,


  Wanka macasha weynaw, Meer-meer ma uu hadhin ,  
Muumin daacad weeyoo, khasaare-ba ma yeeshoo,
Manfa-ciisu waa guul, miim kalena wuxu yahay,

Geesi-yaddii ku miiseen,kobtan maxaa i dhigayiyo,
Ciil laysla madax maray, saw geeri may xigin. 
Dhitaday mutays-teen, gaaxddii ay ka maaleen,
Waa mujaahid weynoo, ku shihiiday diinta'e,
Kuli gaal-madoobi, markii lagu mahoobiyey,
Habeenkaa kamuu bixin, maqaasiino muu furan,
Saanaddii la madhax-saday, miridh qudha kumuu guran,
Waa Geesi miigane, maryo dhiigle lama arag,
Intii madax madaoobayd, naxdin may bestood noqon.
Markii galawgu qayliyey, hurin-hurin ma dhuumanin.


  Wanka macasha weynaw, Meer-meer ma uu hadhin  
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...