Hagardaamooyinka Uu Xuuto Ku Hayo Saxaafada Somaliland...W/Q Maxamuud Fantastic

0
Sunday January 26, 2020 - 16:51:52 in Articles by
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hagardaamooyinka Uu Xuuto Ku Hayo Saxaafada Somaliland...W/Q Maxamuud Fantastic

    Hagardaamooyinka Uu Xuuto Ku Hayo Saxaafada Somaliland...W/Q Maxamuud Fantastic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hagardaamooyinka Uu Xuuto Ku Hayo Saxaafada Somaliland...W/Q Maxamuud Fantastic


Xasan xanafiga saxaafaddu waa xuuto mid uu maleego xadhigiisa, mid uu markhaati ku noqdo iyo mid uu ujawaaboba waa masuuliyadda baddelantay ee xuuto ula ambadey masuuliyadii ka saarnayd saxafiga la handido.

Image may contain: 1 person


waxaan usoo qaatay hal-hayska magaca caan baxay ee xasan xanafi oo muqdisho caan ka ah isla markaana lagu magacaabi jiray nin wariye ahaa haddana dhagri jiray saxafiyiinta muqdisho kula noolaa labo wajiilayn ayaa maanta hargeysa jooga isagoon wax dilin laakiin haya shaqo saxafiga lagu badhtilmaameedsado.


shalay waxaa wasiirka arrimaha gudaha inay hayaan liiska 30 wariye oo Somaliland jooga oo haddana xidhiidh la leh muqdisho kana mushahar qaata waa yaabe 30-ka wariye is qarin ogaa.


Xuuto wuxuu goob joog ka ahaa halka lagu karinayey in wariyayaashaa lagu eedeeyo xamar bay ka mushahar qaataan wuxuuna masuul ka yahay dhamaan wariyaayaasha Somaliland oo odaygooda yahay iyo marjaca loo noqdo kama hadal ee wuu la kariyey dhitadaa aan wanaagsanayn waliba annigu waxaan aaminsanahay in isagu soo shiilay oo u keenay (karis xun Iyana wax kula) oo xukuumadda iyo saxaafadda isu bahalo galiyo si ay isu colaystaan eedayntaasi wey dhacdey xuuto kama hadal oo xukuumadda kuma canaanan in aaney wariyayaasha isku darine bal ay soddonkaa soo bandhigaan si bal kiiska ay galeen loogu qaado ilaa imikase wuu ka afxidhan yahay oo kama hadal ee wuu la jiibiyey waxaana muuqata inuu jaanta xukuumadda la haysto.


waxaynu hore u ogayn in xisbiyada mucaaradka qaar kood muqdisho lagu shaanbadeeyey in ay gacan saar la leeyihiin, waxaynu kaloo ogayn in siyaasiyiin Iyana muqdisho lagu eedeeyey in ay gacan saar la lee yihiin haddana waxaaba laynoo sheegay in wariyayaal liiskood la hayo haddii la hayo yaan laynoo qarine kiiska lagu hayo halagu qaado annagu xamar maannu arag iyagaaba xamar arkay oo wax ku soo bartay ka soo shaqeeyey ka soo ciidamiyey maalin walbana dhegahayaga maqashiiya waagii xamar ee keer iyo kan annagu wali xagaasba umaannu salaamad naqsan ee yaan xamar laysku cabsi galin.


qarankana waad duminaysaan yaan nalaggu cabsi galin kan weynu wadda leenahay idinkuna waad noo soo dhisteen sidii aannu annagu ugu noolaan lahayn nabad annaguna kuwa annu dhalnay baannu jid iyo jiho aan cabsi lahayn u jeexaynaa una hillaadinaynaa sahan fiican qaranka dhankayaga waannu haynaa kamana baylihimaayo ee cidda aad haysaan inaad xidhaan bay ahayd ee inaad usii xaadh-xaadhataan may ahayn.


Fashilka siyaasadeed ee dulhoganaya iyo jiho la’aanta maanta taagan noqon mayso mid lagu qariyo wariyaayaasha xuutona maalin walba hoggaan SOLJA ugu ahaan mayo handidaado uu markhaati ka yahay oo saxafiyiinta loo geysto, Cali seenyo ayeynu ogayn sidii uu ugu jawaabey, Cabdimaalik baa xidhan oo aannu eray u odhan dedaalna aannu ka gelin xadhigiisa, wariyayaal kale baa maqan oo dibad meer noqdey oo uu ka af xidhay Markaa SOLJA Noqon mayso boorso gacanta lagu sito iyo xarun lagu shiilo gabood fallada saxafiyiinta ee waa laysku tashan haddalka wasiirka arrimaha guduhuna waa gef iyo deelqaaf ee haynoo soo bandhigo cidda ay yihiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...