Yaa Diriraya, Maxaa Lagu Dagaalamayaa?..W/QAxmed Xiis Dharbaan

0
Sunday January 26, 2020 - 16:18:34 in Articles by
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Diriraya, Maxaa Lagu Dagaalamayaa?..W/QAxmed Xiis Dharbaan

    Yaa Diriraya, Maxaa Lagu Dagaalamayaa?..W/QAxmed Xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Diriraya, Maxaa Lagu Dagaalamayaa?..W/QAxmed Xiis Dharbaan


Dunnida waxa rogoya dadka lacagta haysta "Oligarchy". Dadka caadiga ahi waa dhibbanayaan; muruqooda laga faa'idaysto oo dhulkooda ka qatan. waxa kale oo aad ogataaa Siyaad Barre dadkii riday, ganacsatada ayaa calanka u siday. Ganacsatada ayaa doonaysay waddan bilaa sharci ah oo sida ay doonaan ay uga dhex shaqaystaan - qodobkaa ogaada. Dhibku wuxu gaadhay shacabka, dheeftiina waxa qaatay tujaarta. Hadda ogow oo kaligii taliyihii Maxamed Siyaad nin u dooddaya ma ihi. Mana ihi nin kasoo horjeeda rabitaanka shacabka Somaliland.

Image may contain: Axmed-xiis Dharbaan, smiling, sitting


Dagaalka Ganacsatada Soomaaliyeed


Maalmahan waxa muran xoog lihi ka taagan yahay internet ku xidhiidhsan xadhko la daadin rabo xeebaha Jibouti, Berbera, Bosaaso, Muqdisho iy Mumbasa. Xadhkahan xambaarsan khadka waxa mulkiyaddooda leh - sida igu maqaalo ah - Jabouti, Dahabshiil oo 4% leh iyo ganacsade Kenyan ah.


Xadhkahan waxa ka qayliyey Maxamed Siciid Guuleed - Maxamed waa nin waa se ganacsade sidaa daradeed nin caadiya wuu ka awood badan yahay, sida Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) aanu u ahayn qof iska caadi ah, sideena oo kale. MSG iyo MSD iyo ganacsatada kale waa ragga sida dhabta ah u dambaaba Somaliland - iyagaaba ah Somaliland. Dadkan maatada ahina waa marti!


MSG iyo MSD waa ay isku dheceen - MSD wuxuu rabay in uu shuraako la noqdo Somcable balse, MSG waxa uu cayaaray xeelad ganacsi, waxa uu MSD usoo jeediyey "So Gasho" iyo in ay shurko noqdaan Somtel. Bilawgaba halkaa ayaa ahayd meel ay isla fahmi wayaan, waayo MSD wuxuu rabay in ay shurko noqdaan Somtel iyo Somcable. Sannadkii hore waxa dhacay muran dhex maray labada nin oo markaa sababay in Somcable ay xanibto adeegii Internetka ee ay isticmaali jirtay Somtel. Maalin ayaa ay 4tii galabnimo So Gasho joojisayba khadkii Somtel aayar oo dhalatay. La isku yaacyaac, la ogaa in Somcable ay jartay khadka. Somtel iyo Xukumadduna waxa ay ka dacweeyeen Jabouti kadibna, 7dii fiidnimo ayaa ay Jabouti hawada ka saartay khadkii Somcable ay isticmaalaysay.


Murankaasi markii uu dhacay, watii MBC, MSG iyo MSD looga yeedhay Jabouti, waa sannadkii hore. Garnaqsi dheer ka dib, waxa halkaa kasoo baxay in aan la isku halayn karin MSG oo marka uu doono iska goosanayo khadkiisa - Khadkan hadda murankiisu taagan yahayna maalinkaas baa ay MSD iyo Jabouti ka wada hadleen.


MSG waa nin abaal ku leh MBC, Muuse wuxuu soo jeediyey Telesom iyo Somtel in ay saami ka qataan xadhkaha Somcable. MSG wuxu sheegtay adduun ay liqi kari wayeen labada shirkadood ee kale. Markii la yidhi hala dhex galana, faragalinta xukumadda waxa ka caga jiiday labada shirkadoood ee kale, bacdamaa garyaqaanka guud iyo xukumadaba la xigsiinayo MBC.


MBC hadda waxa uu la dhacsan yahay xadhkaha Telesom ee tooska Berbera u imanaya in lagu heshiiyo, markaaana tujaarta Somaliland ay halkaa ku wada yeeshaan Saami siman - Biixi laftiisa ayaa hunguraynaya saami in laga siiyo fursadan soo korodhay. Shalay hadaba Wasiirkii Daakhiliga ee Jabouti waxa ay Biixi isla af garteen - sida aan xogta ku hayo - in la ogolaado markabku in uu Berbera ku dhaafo xadhigga afkiisa, hadhaw sida laga yeelanana dib la isugu soo noqdo. Telesom xadhkaheeda iyo xadhigan muranka dhaliyey sharci daro waxa u arka MSG oo isaga 25 sanno loo xidhay Internetka Somaliland.


Muranka noocan ah iyo camalka ay ka shaqeeyaan tujaarta Somaliland, intooda badan waa baacmushtar aan manfac raasamaal ahi ugu jirin shacabka Somaliland. Ina Aw Siciid oo caan ku ah ganacsiga buuriga iyo ganacsigan ay isku maan dhaafsan yihiin tujaarta Somaliland waa "externalities". Externalities waa aragti dhaqaale oo tidhaahda: Wixii aan daruuriyaad ahayn ee laga ganacsadaa waa "dheeri". Somaliland oo aan lahayn wax soo saar, haysan caafimaad hagaagsan in maanta tujaartu ku muranto 'cable" waxa ay ku tusaysaa sida tujaartu aysan u danaynayn danta mushtamaca.


Waxa la is waydiin karaa "miyuu dhamaaday "honey moon" kii u dhexeeyey MSG iyo Jabouti? Xidhiidhka MSG iyo Biixi ayaa isna gaadhay - baa la leeyahay - halkii ugu hoosaysay. Ina Aw Siciid oo kaliya maaha'e saaxiibkii Gobonimo ayaa wakhti hore bustaha dibada loo dhigay - waa sida aan kasoo xigtay dadka ku takhsusay dhaqdhaqaaqa mashaariicda ganacsi ee Somaliland. Jacaylka iyo nacaybka ganacsatada xikaayaad ayaa ku dhan, qaar baa leh: Dharaarahanba waxa cishqi cusubi ka dhex abuurmay Dahabshiil iyo Jabouti. Kuwo kale ayaa leh "mucaaradka maagaya Jabouti, Ina Aw Siciid baa ay shaxadayaan" - Allow Alle.


Muranka khadka Internetka ee ka aloosan Hargaysa mid la mid ah ayaa isna maalmahanba ka taagnaa Midawga Yurub. Midawga Yurub ayaa doonaya in ay heshiis la sexeexdaan shirkada Huewei. Heshiiskaas ayaa daaran Huewei in ay Yurub ku rakibto 5G. Nidaamkan ayaa la leeyahay, haddii lagu xidho gurigaaga, adiga oo suuqa jooga ayaa aad shooladda, daaqadaha iyo talaagadaba ka maamulaysa banaanka. Maraykanka ayaa aan yeelayn suuqa Yurub in uu u gacan galo China. Run iyo been ta ay noqon mooyee, dacaaydaha laga faafiyey Huiwei waxa ka mid ah: Shirkadu in ay China u basaasto meelaha lagu xidho.


Nuxurka guud ee dhacdooyinkan ayaa ku tusaya dhawr arrimood


Shacabka Somaliland in aysan waxba ka ogayn waxa ka socda dalkooda iyo waxa lakala macaashayo.

Diid ama doon dunnidu waxa ay gashay digital

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...