Djibouti Oo Markii Ay Aragtay Dareenka Reer Somaliland Badashay Jihadii Uu Ku Socday Markabkii Siday Xadhiga Dare

0
Sunday January 26, 2020 - 14:56:39 in News by
  • Visits: 4256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Djibouti Oo Markii Ay Aragtay Dareenka Reer Somaliland Badashay Jihadii Uu Ku Socday Markabkii Siday Xadhiga Dare

    Djibouti Oo Markii Ay Aragtay Dareenka Reer Somaliland Badashay Jihadii Uu Ku Socday Markabkii Siday Xadhiga Dare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djibouti Oo Markii Ay Aragtay Dareenka Reer Somaliland Badashay Jihadii Uu Ku Socday Markabkii Siday Xadhiga Dare


Hargeysa(HWN):-Dawladda Djibouti ayaa ku dhawaaqday in xadhiga Internetka ee DARE 1 aanu mari doonin biyaha Somaliland ee Berbera, balse uu ka leexan doono. Sidaas waxa ku dhawaaqay wasiirka isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon.

Natiijada sawirka calanka jabuuti


Dawladda Djibouti ayaa hore u sheegtay in xadhigan oo soo gaadhay Djibouti uu mari doono biyaha Berbera, oo uu u dhaafi doono Muqdisho ilaa Kenya, laakiin cadho xoogan oo ka dhalatay ka dib markii ay Djbouti aragtay dareenka reer Somaliland, waxay u muuqataa inay bedeshay jihadi uu markabku ku socday.


Laanta afka Soomaaliga ee BBC, ayaa waraysi la yeelatay labada wasiir ee isgaadhsiinta ee Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon.


Wasiirka Somaliland.


Ugu horayn Wasiirka Somaliland oo la weydiiyay xadhigan, wuxuu yidhi " Sida aan maalmo dhawayd sheegayba xadhiga Dare la yidhaahdo waxa ogolaashano ah kama haysto ilaa imika inuu ka soo dego dekeda Berbera laakiin warka soo baxay waxa weeye markabku waxa uu soo galay bada Somaliland isaga oo aan ogolaansho hore ka haysan xukuumada Somaliland sidaas awgeed ayay ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ay ka hawlgaleen markabkana ay u sheegeen inuu ku noqdo biyaha caalamiga ah ee loo ogol yahay, markabkuna waxa uu soo galay biyaha Somaliland iyada oo xukuumada Jabuuti aanay nala soo socodsiin wax war ahna aanay naga soo siin,imikana aanu ka wada xidhiidhnay wasaarada isgaadhsiinta ee Jabuuti waxaanu ka wada hadlaynaa sidii aanay mar danbe u dhacdeen hawl nocaas oo kale ah.”


Waxa la weydiiyay siyaasadda Somaliland ee Xadhkaha Internetka, waxaanu yidhi "Waxa nooga yaala siyaasad ahaan in la mideeyo keenista iyo maalgashiga xadhkaa Cable-ka ah dalka oo aanay shirkad waliba keenin xadhig iyada u gaar ah ee aan isku gayno shirkadaha dawladuna ay qayb ka noqoto imikaba waxa noo socota hawl aanu wada hadal kula jirno saddexda shirkadood ee ugu waaweyn isgaadhsiinta dalka oo ah Somcable, Somtel iyo Telelsom iyo dawlada afartaas dhinac waxay ku midoobi doonaan xadhiga dhulka hoos mara, sida oo kale waxaanu gacanta ku haynaa sharcigii xadhkaha bada ka imanayaa inay ku soo xidhmaan Berbera, cidna uma xidhna ee waa heshiis liisan iyo ruqsad.”


Wasiirka Djibouti

Ugu horayn isagoo xadhigan ka hadlaya wuxuu wasiirka Isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan CabdillaahiBahdoon yidhi " Xadhigan Dare ayaa la yidhaahdaa waa xadhig isgaadhsiinta ah, xadhigan waxa uu ku socdaa Boosaaso ilaa Muqdisho ayuu tagi doonaa oo Muqdishana waa uu dhaafi doonaa oo waxa uu tagi doonaa Mambasa, xadhigani waa uu dhinac marayaa uun oo badan ganacsiga ayuu marayaa oo Berbera haba yaraatee ma tagaayo Somaliland.”


Wuxuu intaas ku daray "Waa khalad si xun ayaa loo fahmay xadhigu haba yaraatee kuma soo dhaadhacyo Berbera Somaliland ma imanaayo, walaa Somaliland walaa Berbera midna ma imanaayo oo biyaha caalamiga ah ayuu dhexsocdaa ee xadhkaha aduunku ay dhex marayaan.”


Waxa la weydiiyay sababta ay Djibouti Hargeysa ugu dirtay wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu yidhi "Wasiirka arimaha guduhu arin kale ayuu u tagayaa Somaliland ee xadhiga arinkiisa uma socdo, aniga iyo wasiirkan warfaafinta ayaa is og oo waa kii ka sheegay tilifishanka Somaliland ee yidhi xadhigan nama khuseeyo anaga oo badda caalamiga ah ayuu marayaa, waxaan u malaynayaa si xun ayaa loo fahmay waxaan doonayaa inaan fahmadaas ka qaado Somaliland oo la ogaado in xadhigaasi uu saani u baxaayo oo uu Boosaaso tagaayo oo uu Muqdisho ka dhaadhacaayo.”

Loading...
Loading...