Tafaftire BBC-da ka Tirsanaa Oo Iskubuuq Awgii Shaqadiisa Uga Tegey

0
Sunday January 26, 2020 - 08:50:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tafaftire BBC-da ka Tirsanaa Oo Iskubuuq Awgii Shaqadiisa Uga Tegey

    Fergal Keane oo ahaa tafaftira BBC ee Afrika ayaa xilka ka dagaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fergal Keane oo ahaa tafaftira BBC ee Afrika ayaa xilka ka dagaya
ka dib markii uu isku buuq ka dhashay shaqooyiin adag oo uu horey u soo qabtay kuwaasi oo lahaa argagax.

In laga helo xanuunka isku buuqa ayaa waxa ay ka dhalatay "Toboneeyo sano oo uu ka shaqaynayay goobo ay colaado ka socdeen guud ahaan caalamka ", waxaa sidaasi sheegay madaxa BBC qeybta warqabadka, Jonathan Munro.

Waxaa uu intaa ku daray in Keane uu dhowr sano "si shaqsi ah ula tacaalayay isku buuqan ka dhashay dhibaatooyiinkii uu horey u soo maray. ".



Keane ayaa BBC qaybta wararka ka sii shaqayn doona isaga oo door cusub ciyaari doona.

Munro ayaa u sheegay shaqaalaha in wariyahani uu taageero ka helayo "saaxibadii iyo shaqaalaha ay wada shaqeeyaan , islamarkana la siinayo talooyiin caafimaad,".


"Hasa yeeshee imika waxa uu dareemayaa in uu badalo doorkiisii hore si ay taasi gacan uga geysato dib u soo kabashadiisa.


"Waa geesinimo iyo mid soo dhaweyn mudan ah in uu diyaar u yahay in uu shaaciyo xanuunkiisa isku buuqa ka dhashay dhibaatooyiinkii uu horey uga soo shaqeeyay.


Keane ayaa BBC ku biiray 1989 waxa uuna xilligaa uga soo warami jiray waqooyiga ,islamarkana waxaa uu sidoo kale markii dambe ka soo waramay Koonfur Afrika iyo Eeshiya ka hor inta aan loo magacaabin tafaftiraha BBC Afrika.


Waxaa uu ku guulaystay abaalmarinta loo yaqaano Amnesty television prize sanaddii 1994, taasi oo uu ku muteystay baaritaankii uu ka sameeyay xasuuqii Ruwanda.


Muxuu yahay xanuunka isku buuqa?

Waa xanuun ka dhasha marka qofka uu in muddo ah goob ay dhibaato baaxda leh oo wadata argagax ka jirto sida goob dagaal taasi oo ugu dambeyntii isku buuqa sababta.


Calaamadaha xanuunkan ayaa soo ifbaxa caadiyan toddobaadyo gudahood markii aad la kulantay xaaladaasi adag.


Ka dib markii ay maskaxdaada gaarto dhibaatadaasi ayaa waxaa uu qofka dareemayaa xanaaq, isku buuq, walaac iyo in uu yahay qof ciriiri ku jira.


Tafaftiraha BBC u qaabilsan bariga dhexe Jeremy Bowen, aya horey isagu u shaaciyay in uu qabo xanuunkan isku buuqa ka dhasha dhibaatooyiinka uu qofka uu la kulmo.

 

BBC

Loading...
Loading...