Saadaasha Burburka Dhaqaale ee 2020

0
Sunday January 26, 2020 - 07:29:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Burburka Dhaqaale ee 2020

    Koboca dhaqaale ee Shiinaha Iyo Caqabadaha Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koboca dhaqaale ee Shiinaha Iyo Caqabadaha Maraykanka

Shiinaha dhaqaalihiisu wuxuu u dhigmaa kala badh dhaqaalaha Maraykan, haddana marka la eego kartidiisa iibku (PPP) wuxu ka dhigayaa dhaqaalaha adduunka ugu weyn. Nepoleon waxa laga hayey; adduunka waa loo yaabaa kolka Shiinuhu madaxa la soo kaco.



Shirkadda cilmibaadhista Rhodium Group waxa ay sheegtay March, 2019, in maalgashiga tooska ah ee Shiinuhu uu ku leeyahay Maraykanka uu yahay $46 Bilyan. Beijing waxa ay u sheegtay maalgashadayaasha Shiinaha ee Maraykan in yareeyeen heerka daynta, iyaga oo ka werwer qaba soo noqodka dayntaa. Rhodium Group waxa kale oo ay leeyihiin Koongareeska Maraykan ayaa isna werwer ka muujiyey saamaynta maalgashi ee shirkadaha Shiinaha.


Madaxweyne Trump, May, 2019kii wuxu ku soo rogay cashuuro dheraad ah alaabaha ka imanaya Shiinaha oo u dhexeeya 10% ilaa 25%. Khubaro badan ayaa arrintaas walaac ka muujiyey iyaga oo ku sababeeyey in GDP-ga Maraykan hoos-u-dhigi doonto oo lacago cashuur ahaa meesha ka bixi doonaan. Midda werwerka leh ayey ku tilmaameen haddii Shiinuhu go’aansado in uu joojiyo alaabaha uu Maraykan u dhoofiyo sida ay noqon doonaan sayladaha iibka ee Maraykan.


madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, waxa uu maraykanka ugu gooddiyey in iskaashigu u adeegi doono labadooda dhinac, khilaafkuna uu waxyeeli doono danaha labadooda dhinac ee aan dal gooni ah dhibtu kaligii qabsan doonin.

Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) ayey soo gaadhay 21 October, 2019 cabasho ka timid Shiinaha oo ku aaddan ganax lacageed oo ay ka dalbanayaan Maraykanka. Xaddiga lacagta ayaa ahayd $2.4 Bilyan. DSP-hay’adda xallinta khilafaadka ayaa kiiskaas dib u eegis ku samaynaysa.


Briexit iyo Saamaynta dhaqaalaha Maraykan

Waxaa aad looga dayriyey saamaynta ka bixidda Ingiriisku ku yeelan doonto dhaqaalaha waddamada ku midoobay Yurub iyo ka caalamka kaleba. Cilmi baadhis kasta oo la sameeyey ilaa hadda waxay sadaalinaysaa in uu hoos-u-dhac wayni ku iman doona dhaqaalaha Ingiriiska.


Xafiiska Wakiilka Ganagcisga Maraynka ayaa sheegay in 2018 qiimaha alaabta uu Maraykan u dhoofiyay Biritan ay tahay $141 bilyan, halka uu Biritan ka soo dhoofsaday $121 bilyan.Taas oo ah in $20 bilyan oo dheeri ah uu faa’ido ka helo Maraynkan u dhoofinta Biritan.


Celcelis ahaan xidhiidhka dhaqaale ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Midowga Yurub  waxaa uu soo geliyaa lacag dhan £520 billion sanadkii waddanka Ingiriiska. Haddii cashuur sare lagu soo rogo alaabaha u dhex gooshaaysa suuqyada Yurub iyo Ingiriiska, waxa ay keenaysaa in waxsoosaarka Igiriisku noqdo qaali marka uu gaadho suuqyadda Yurub, taas oo keenaysa in la goyn kari waayo oo la iibsan waayo.


Dhanka kale, Maraykanku cadowgiisaa koowaad waxa uu u arkaa Shiinaha. Arrinta murugada ku haysa Maraykan ayaa ah in Ruushka iyo Shiinuhu jaanta iskula heleen sidii ay Maraykan awoodda hubka, dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyadda ugala wareegi lahayeen. Tusaale ahaan; Ruushka waxa aad moodda in Shiinuhu faraha uga qaaday samaynta hub casri ah, halka Shiinuhu uu tafaxaytay curinta Tiknoolajiyadda iyo waxsoosarka.


Maraykan wuu ku kaliyeystay dagaalka qabow. Xeeldheerayaashu waxa ay leeyihiin ka bixitaanka Ingiriisku Yurub ka baxayo Maraykanka waxa ay u noqonaysaa fursad, Sababta oo ah iska caabbintooda wuxu u helaya cid kula bahowda, waxa kale oo ay leeyihiin Ingiriisku waa cidda qudha ee Maraykan uu ku aamini karo khayraadka adduunka.


Saamaynta guud ee dhaqaalaha adduunka

$80 Trilion ayaa lagu qiyaasaa waxsoosaarka adduunka maanta, haddii la barbar dhigo daynta guud ee adduunka lagu leeyahayna waa $300 Trilion. Marna maaha arrin caafimaad dhaqaale ka muuqdo oo waa adduun gebigiisuba rahman.


Xiisadda dhaqaale xumo ee soo socota waxa ay sababi doontaa deyn caalami ah oo lagu tusaalayn karo tii ku dhacday Lehman Brothers 2008dii. Xeeldheerayaasha dhaqaaluhu waxa ay leeyihiin dagaallada ganacsigu hadday qayb ka noqdaan carqaladaynta xaaladda siyaasadeed waxa abuurmi doona  xiisad dhaqaale oo caalamka saamaysa.


Burburkii Lehman Brothers October 2008, amaahdu waxa ay gaadhay $64 Trilion dhammaadkii 2018. Sannadkii 2019 saadaasha IMF waxa ay muujisay tiro korodh dayn dadweyne ah. Tusaale ahaan Japan 237%. Giriigga 138%. Talyaaniga 132%. Boortaqiiska 121%. Singabuur 108%. Maraykan 106%. Belgium 101%. Boqortooyada Ingiriis iyaduna waa 86%. IMF saadaalinteeda daynta dadweynaha GDP per capital waa 103%.


Warbixintani waxa ay gooni uga saartay Japan iyo Singapore oo ay leedahay dayntooda guud ayaa ku jirta lacagta qaranka, si gaar ahna ay u leeyihin maalgashadayaasha guduhu, isla markaana aad uga ilaaliya hoos-u-dhaca amaahda ee maalgashadayaasha shisheeye.


Waddamada soo koraya ayey saadaashu sheegaysaa in ay fursad u tahay dhibtani oo ay ka faa’idaysan doonaan burburka dhaqaale ee waddamada reer Galbeedka ku soo socda. Tusaale ahaan Shiinaha iyo Hindiya ayaa aad loo loogu hanweyn yahay in ay fursad u noqon doonto.


Gunaanad

Dhibaatooyinka bulshada ka dhex aloosan ee caalami, gobol iyo heer deegaan waa dhacdooyin soo noqnoqda. Waxa aynu ka baranaynaa dhibaatooyinkaas si aynu u horumarinno, dib-u-habaynno xeerarka suuq cusub, laguna yaraynayo dhacdooyin soo noqnoqda.


Waddamada Afrika iyo Muslimiinta waxa aad mooddaa in aan doorweyn oo ay ka ciyaaraan saaxaddan aanu u bannaanayn, laak iin hadday ku guulaystaan in aanay qayb ka noqon darafyada loollanka balaadhani dhexmarayo waxa suuragal ah in ay dhibaatadaa ka samatabaxaan.


tixraacn

https://www.cnbc.com/2019/11/21/goldman-the-worst-of-the-global-economic-slowdown-may-be-in-the-past.html

https://www.iedc.si/blog/single-blog-post/iedc-wisdoms/2019/08/20/anticipating-the-next-global-financial-crisis-and-recession

https://worldfinancialreview.com/the-predicted-2020-global-recession

http://tag.global/crisis_booklet_2020_ar.pdf

https://www.theguardian.com/business/2019/jan/05/global-economic-crash-2020-understand-why

https://soundcloud.com/geopoliticsandempire/jim-rogers-the-coming-global-financial-crisis-will-be-the-worst-in-our-lifetime-106

https://www.cnbc.com/2019/11/21/goldman-the-worst-of-the-global-economic-slowdown-may-be-in-the-past.html

https://www.reuters.com/article/us-china-trade-usa-wto/china-asks-wto-for-2-4-billion-sanctions-against-u-s-in-latest-clash-idUSKBN1X00W7

 

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: [email protected]

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...