34 Askari Oo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Weerarkii Iraan Ay Ku Qaaday Saldhigyada Maraykanka Ee Ciraaq

0
Sunday January 26, 2020 - 06:51:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    34 Askari Oo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Weerarkii Iraan Ay Ku Qaaday Saldhigyada Maraykanka Ee Ciraaq

    Waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka ee Pentagon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka ee Pentagon
ayaa waxay shaaciyeen in 34 askari uu dhaawacyo dhanka maskaxda ah uu ka soo gaaray weerarkii ay Iiraan ku qaaday saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq.



17 askari ayaa ilaa iyo imika ay ku socotaa qiimayn dhanka caafimaadka maskaxda ah.


Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in uusan jirin askar wax ku noqotay weerarkaasi dhacay 8 January, islamarkaana weerar ay Iiraan kaga aargoosanaysay dilkii ay Mareykanka dileen Janaraal Qaasim Suleymaani.

Mr Trump ayaa xusay in weerarkaasi oo uusan khasaaroka dhalan darteed uu qaatay go'aanka ah in uusan dib weerar ugu qaadin Iiraan.


Balse toddobaadkii aanu soo dhaafnay, ayaa Pentagon-ka waxay sheegeen 11 askari la daaweeyay ka dib markii lagu arkay calaamado muujinaya in naxdin ay ka muuqato.


Mar toddobaadkan madaxwayne Trump oo ku sugnaa magaalada Davos, ee Switzerland, wax laga waydiiyay arrintan ayaa waxaa uu yiri "waan maqlay in askartaasi madaxa xanuunayo iyo waxyaabo kale, balse waxaan idin sheegi karaa ma aha mid halis ah."


Jimcihi, ayaa waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka afhayeen u hadlay Jonathan Hoffman waxa uu wariyayaasha u sheegay in 8 ka mid ah askarta ay arrintan saameysay Mareykanka dib loogu soo celiyay si loo daaweeyo.


Waxaa uu intaa ku daray in 9 askari oo kale lagu daweynayo Jarmalka.


16 askari ayaa iyaguna lagu daweeyay gudaha Ciraaq , ayna shaqadooda dib ugu laabteen.


Mr Hoffman ayaa xusay in wasiirka gaashaandhiga Mareykanka Mark Esper dhowr maalmood ka dib lagu wargaliyay dhaawaca maskaxeed ee askartan soo gaaray.


Mareykanka ayaa waxaa dalka Ciraaq ka jooga askar ay tiradoodu gaarayso 5000 oo askari

 

BBC

 

Loading...
Loading...