Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti oo booqasho ku yimid Somaliland

0
Saturday January 25, 2020 - 21:48:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti oo booqasho ku yimid Somaliland

    Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti oo booqasho ku yimid Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti oo booqasho ku yimid Somaliland
Hargaysa(HWN):-Wefti ka socda Dalka Jabuuti oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaasi Muumin Axmed Sheikh, ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Weftigan oo madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ay keentay diyaarad Rakaab oo ka timi Magaalada Jabuuti, ayaa waxa halkaasi ku qaabiley oo soo dhaweeyey xubno kamida golaha Wasiirrada Somaliland oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo saraakiil kale.



Weftigan ayaa ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay in ay u yimaadeen howlo khaas ah oo la xidhiidha tacsida marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo khamiistii ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, marxuumkaas oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland. sidaasina waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa tilmaamay in booqashada weftigani ku kooban tahay tacsida ay xubnaha weftigu soo gaadhsiiyeen Qoyska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ay Wasiirka reer Jabuuti iyo Odayaasha la socday ay qaraabo dhow yihiin.

"Maanta halkan waxaan ku soo dhaweynaynaa wefti ka socda Dalka Jabuuti oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha oo socdaal gaar ah inoogu yimi, waxaanay u yimaadeen in ay ka soo qaybgalaan tacsida Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, xildhibaankeenii Alle ha naxariistee, markaa waa soo dhaweynaynaa waana ka tacsiyadaynaa geerida marxuumkaas qaranka ka baxayā€¯ ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo faahfaahin kooban ka bixiyey qastiga socdaalka weftigan reer Djibouti.

Xubnaha weftiga ayaa dhankooda ka hadal safarka ay ku yimaadeen Somaliland, hase ahaatee waxa ay muujiyeen dareen ah in aanu socdaalkoodu ku qotomin arrimo siyaasaddeed oo dhaafsan tacsida qoyska iyo qaranka xildhibaanka geeriyooday ay u sideen.

Imaanshiyaha weftigan, ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii u dambeeyey xiisad siyaasaddeed ka dhex curatay labada dawladdood ee Somaliland iyo Jabuuti, kaddib markii ay Jabuuti sheegtay in xadhig Cable Internet-ka xambaara oo ay u jiidayso dhinaca Soomaaliya keeni doonto Magaalada Berbera, halkaasoo ay uga sii gudbin doonto Magaalada Boosaaso.

Wasiirka Isgaadhsiinta ee Dalka Djibouti, ayaa munaasibad lagu daah-furay mashruucaasi ka sheegay in xadhiga Cable-ka DARE1 uu sii mari doono Magaalooyin kamida Soomaaliya oo ay ku jirto Berbera, hadalkaasoo deel-qaaf iyo xaqiraad ku ah Jamhuuriyada Somaliland, sababtiisuna qayb ka noqotay in Dawladda Somaliland is-hortaagto in xadhiggaasi soo maro soon-baddeedka ay maamusho.

Haddaba, ma cadda in ay masuuliyiinta Dawladda Somaliland kala hadli doonaan weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Djibouti arrintaasi oo aanay wali labada dawladdood isfaham ka gaadhin.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...