Sadex Caruur Ah oo Gaajo Ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho

0
Saturday January 25, 2020 - 18:53:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Caruur Ah oo Gaajo Ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho

    Wakaaladda Wararka ee Turkiga ee Magaceedu yahay Anadolu ayaa sheegtay in Saddex Carruur ahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda Wararka ee Turkiga ee Magaceedu yahay Anadolu ayaa sheegtay in Saddex Carruur ahi
Hargaysa(HWN):-Ugu yaraan 3 Carruur ah ayaa Xanuun iyo Gaajo ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho.




Wakaaladda Wararka ee Turkiga ee Magaceedu yahay Anadolu ayaa sheegtay in Saddex Carruur ahi ay baahi daran ugu Geeriyoodeen Xero Barakacayaal oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Carruurtan oo Da’doodu u dhaxayso 4 illaa 6 jir, ayaa ku Geeriyooday Xero-baracayaal oo jaar la’ ah Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Geerida Saddexdan Carruurta ah ayaa timid, maalmo uun ka dib markii Hay’adaha Qaramada Midoobay dalbadeen $1 billion deeq ah, si gargaar loo gaadhsiiyo illaa 3 Million Qof oo Soomaali ah.

Hooyo Faadumo Xasan oo ka mid ah Haweenka ku dhaqan Xerada Geeridani ka dhacday ayaa sheegtay in noloshoodu halis ku jirto, Cid danaynaysaana aanay jirin, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Toddobaadkii u dambeeyay, 13 Qof ayaa Xarumaha Barakacayaasha ee Muqdisho ugu Geeriyooday Xanuuno iyo baahi, sida Wakaaladdu baahisay.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...