Ciidamada Badda Somaliland Oo Awood Ku Celiyey Markab Laga Soo Diray Jabuuti Oo Xadhiga Internet-ka Ee Fiber Optic-ga Siday

0
Saturday January 25, 2020 - 16:22:33 in News by
  • Visits: 4180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Badda Somaliland Oo Awood Ku Celiyey Markab Laga Soo Diray Jabuuti Oo Xadhiga Internet-ka Ee Fiber Optic-ga Siday

    Ciidamada Badda Somaliland Oo Awood Ku Celiyey Markab Laga Soo Diray Jabuuti Oo Xadhiga Internet-ka Ee Fiber Optic-ga Siday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Badda Somaliland Oo Awood Ku Celiyey Markab Laga Soo Diray Jabuuti Oo Xadhiga Internet-ka Ee Fiber Optic-ga Siday


Hargeysa(HWN):-Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa howlgal socday in ka badan 48 saacadood oo ay ka sameeyeen Xeebaha galbeedka iyo Waqooyiga kaga hortegay Markab jiidayey xadhig nooca Isgaadhsiinta xambaara oo laga leeyahay Dalka Djibouti, kaasoo la doonayey in sifo sharci darro ah lagu mariyo biyaha Somaliland, iyadoo loo jeediyo dhinaca Soomaaliya.

Ciidanka Badda Somaliland Oo Joojiyay Markabkii Jabuuti


Mashruuca xadhiga Internet-ka ee DARE1 oo todobaadkii hore lagu daah-furay dalka Djibouti, isla markaana qaybta la geynayo Soomaaliya ay saami ku leeyihiin Shirkaddo Somaliland laga leeyahay, ayaan wax heshiis ah ama isfahama ilaa hadda inta la ogayahay aanay ka gaadhin labada dawladdood ee Somaliland iyo Djibouti, taasoo ah sababta ay Ciidamadda Illaalada Xeebuhu isu-hortaageen, una celiyeen.


Markabkan xadhigga jiidaya ayaa sida la sheegay ka dhego-adaygay amar ay Ciidanku siiyeen markii uu soo galay Xadka biyaha Somaliland, kuna jawaabay cabsi gelin iyo in ay illaalada la socday Rasaas Cirka u ridaan, iyagoo ku baqdin gelinaya Ciidanka.


Saraakiisha Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Wargeyska Dawan faahfaahin ka siiyey sida uu u dhacay howlgalka ay ku joojiyeen markabkaasi, ayaa sheegay in ay iyagoo dhowraya ama tix-gelinaya masaaliixda Siyaasiga ah iyo xidhiidhka labada dawladood ka dhexeeya ee wanaagsan ay wakhti dheer digniin siinayeen Markabkaasi, isla markaana aanay wax jawaab ah ka bixin Rasaasta laga rigay. hase ahaatee markii uu ka joogi waayey xad-gudubka uu sameeyey ay talaabo ka qaadeen, kuna celiyeen xaggii uu ka yimi.


"Markabkaasoo ka soo dhaqaaqay dalka Djibouti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada hadlin oo sharci darro ah, markaa Markabkaasi wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii Saarnaa.”sidaasi waxa Dawan u sheegay Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Saldhiga Saylac Cumar Caadil Qalinle oo khadka Telefoonka ee Magaaladaasi noogu waramay Xalay.


Taliye Caadil, ayaa intaasi ku daray in ay niskii dambe ee habeen hore Ciidanku soo gebagebeeyeen howlgalka ka dhanka ah Markabkaasi, kuna guulaysteen in ay ka saaraan soonaha Biyaha Somaliland.


Waxaanu yidhi "markaa xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas ayey howshu ku dhamaatay”.


Loading...
Loading...