Baan Laga Leeyahay Dalka Jarmalka oo Doonaaya Inuu Ka Shaqeeyo Somaliland

0
Saturday January 25, 2020 - 15:51:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baan Laga Leeyahay Dalka Jarmalka oo Doonaaya Inuu Ka Shaqeeyo Somaliland

    Baan Laga Leeyahay Dalka Jarmalka oo Doonaaya Inuu Ka Shaqeeyo Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baan Laga Leeyahay Dalka Jarmalka oo Doonaaya Inuu Ka Shaqeeyo Somaliland
Hargaysa(HWN):-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay doonaysaa inay sii xoojiso mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee dawladda Jarmalku ku saacido Somaliland, gaar ahaan dhinaca maalgashiga caalamiga ah.



Sidaasna waxa baahiyey Warsidaha East Africa Business Week, waxaanu warsiduhu sheegay inay Somaliland iyo Jarmalku hore u laahaayeen cilaaqaad adag oo ku wajahan dhinacyada Beeraha, Biyaha iyo horumarinta Waddooyinka.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Agaasime Goboleedka Baanka Jarmalka ee la yidhaahdo KfW, Mr. Andress Holtkotte oo ay ka wada hadleen sidii dawladda Jarmalku kor ugu sii qaadi lahayd taageerada ay siiso Jamhuuriyadda Somaliland.

"Somaliland waxay ku faraxsan tahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leedahay dawladda Jarmalka gaar ahaan dhinacyada Beeraha, Biyaha iyo waddooyinka. waxa kaloo aanu doonaynaa inaanu sii ballaadhinno iskaashigaasiā€¯.ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Warsidaha East Africa Business Week wuxuu weriyey tan iyo markii ay shirkadda DP World ay la wareegtay mashruuca ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, waxa sii xoogeystay fursadaha ay Somaliland ku kasbanayso maalgashiga caalamiga ah.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...