Taliyaha Guud Ee AMISOM Oo Gaaray Jubbada Hoose Lana Kulmay Saraakiil

0
Saturday January 25, 2020 - 12:00:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guud Ee AMISOM Oo Gaaray Jubbada Hoose Lana Kulmay Saraakiil

    Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saraakiisha waxaa uu ka xog-wareystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saraakiisha waxaa uu ka xog-wareystay

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminaayo ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyado halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

 

Taliyaha ayaa booqday Saldhigyada Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley, isagoona halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna kala hadlay arrimo kala duwan.



Taliye Tigabu Yilma ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Dhoobley kala hadlay xaaladda guud ee Gobolka gaar ahaan tan degmada iyo mida nololeed ee Ciidamada ku sugan yihiin.

 

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Saraakiisha waxaa uu ka xog-wareystay qorshada dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, isagoona bogaadiyay howlgalada halkaas ay ka wadaan.

 

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku sugan degaano ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasi oo inta badan dhibaatooyin kala duwan u geysta shacabka ku dhaqan halkaas.

Loading...
Loading...