Saadaasha Burburka Dhaqaale ee 2020 Q1aad

0
Saturday January 25, 2020 - 09:56:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Burburka Dhaqaale ee 2020 Q1aad

    Khubarada dhaqaalaha adduunka oo keenaya daliillo macquul ah waxa ay dirayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khubarada dhaqaalaha adduunka oo keenaya daliillo macquul ah waxa ay dirayaan
digniinno baaxad leh oo ah sannadka 2020ka in ay iman doonto dhaqaale burbur baahsan. Iyada oo aan hore loo maqal saamayta taban ee uu ganacsigu keligii ku keenayo dhaqaalaha oo xumaada, haddana waxa hadda la saadaalinayaa in ganacsigu saamayn weyn ku yeelan doono burburka dhaqaale ee soo fool leh.



Waxyaallaha sababi doona dhaqaale burburkaas waxa ka mid ah: Dagaalka dhaqaale ee uu Madaxweyne Trump ku qaaday waddamo dhowr ah, isaga oo cashuuro dheerri ah ku kordhiyay. Hubaal la’aanta ka bixitaanka Biritan ee Midowga Yurub. Khilaafaadka ganacsiga caalamiga ah. Dheellitir la’aan maaliyadeed. Daymaha dulsaarka wata ee ciidda ka batay ee lagu leeyahay macaamiisha iyo isticmaalkooda faraha badan ee kharashaadka oo ay maaro u la’ yihiin. 


Dhaqaalaha reer Galbeedku waa dhaqaalaha adduunka, isbeddelladooda dhaqaale saamayn ayey ku yeelanaysaa adduunka. Qarnigii tagay soddomeeyadiisii waxa dunida ka dhacay burbur dhaqaale kii ugu weynaa ee soo mara oo loogu magacdaray Busaaraddii Weynayd—The Great Depression. Kaas oo cidhibtiray warshadlaydii, bangiyo badanna albaabada isugu laabay.


2008dii waxa isna dunida ka dhacay burbur dhaqaale. Neoliberalism-ka aragtidiisii ahayd in aan dawladdu faragelin suuqa ayaa keentay in bangiyadii waaweynaa daymo u xambaariyaan shicibka; mid dayntaa soo celinkara iyo mid aan qaadi karayn. Lacagaha ay baananku ku shaqaysanayeenna waxa ay ahayd lacag bulshadu dhigatay. Dadyowgii lacagaha la daymiyey kolkii ay soo celinkari waayeen bangiyadii ayaa albaabbada la isugu dhuftay.


Maanta waxa aqoonyahanka dhaqaaluhu saadaalinayaan mushkilad dhaqaale oo hor leh. Haddii loo eego burburkii dhaqaale ee dhacay 2008, waxa ay xeeldheerayaashani leeyihiin mushkiladdan ayaa ka darnaan doonta.

Jariiradda reer Ingiriis ee The Independent  dhawaan dwaxa ay sheegtay,”In xiisadda dhaqaale ee soo socotaa waxay adduunka ku dhufan doontaa sannadka 2020.”

Jariiradda kale ee caanka ee reer Maraykan ee Forbes ayaa iyana tibaaxday, "2020ka waxa dhici doonaa taariikhda Maraykanka khalkhalkii ugu xumaa oo ay sabab u tahay daynta adduunku.”

James Beeland Rogers waa ganacsade Maraykan ah, aasaasaha ‘Quantum Fund’ iyo maareeyaha Soros. Jim Rogers waxa uu saadaliyey 2020 in uu noqon doono burburkii dhaqaale ee ugu xumaa ee uu u soo joogo noloshiisa.


Walaaca Maraynkanka

Dhaqaalaha adduunka, $20 Trilion oo u dhiganta 25% Maraykan ayaa gacanta ku haya, daynta lagu leeyahay ayaa se ka badan dhaqaalaha uu gacanta ku hayo oo ah $21.6 oo u dhiganta 107% oo ah waxsoosaarka maxalliga ah ee Maraykan.


Masiibadan dhaqaale xumo ee adduunka ku soo fool leh ayaa la mala’awaalayaa in ay ka xoog badnaan doonto tii dhacday 2008kii. Maraykanka ayaana la saadaalinayaa in ay ka bilaabmi doonto. Waddamada reer Galbeedka ayey saadaashu sheegaysa in ay qarka u saarnaan doonaan in ay kacaan. Haddii aad maqli jiray bangi iyo shirkad kacday waxa ay xeeldheerayaashaasii leeyihiin dawlado ayaa kici doonaa.


Fed-sida oo kale loo yaqaan Federal Reserve, guddoomiyaheeda Jerome Powell, waxa uu ka walwalqabaa saadaasha walaaca leh 2020ka sida dunidu noqon doonto gaar ahaan Maraykan caafimaadkiisa dhaqaale.


Ray Dalio, aasaasaha shirkadda Water Associates, waxa uu sheegay in Maraykanku ku socdo waddadii uu ku lumin lahaa meeqaamka uu taagan yahay. Wuxuu toos u carrabaabay in uu luminayo kaydka lacagta adduunka. Waxa taas la qaba Larry Fink madaxa shirkadda BlackRock.


Saraakiisha kaydka Federaalka Maraykan kulankoodii ugu dambeeyey Octoobar 2019, waxa ay muujyeen welwel joogto ah oo ku saabsan in halista ugu darani ay ahaato gudaha Maraykanka. Qiimaynta shirkaasi wuxu ahaa horumarka dhaqaale ee shisheeye in ay yihiin kuwo curyaaminaya koboca dhaqaalaha Maraykan. Waxa kale oo ka soo baxay kulankaas maalgashiga iyo waxsoosaarka 2019 in u hoos-u-dhacweyn ka muuqdo dhaqaalaha Maraykanka.


Duufaannada dhaqaale burbur ee Maraykanka

Aragti caafimaadqabta maaha in la yidhaa 2.5% GDP ayuu kobcay dhaqaalaha Maraykan 2019. Sidaa oo kale, maaha tilmaan soo kabasho dhaqaale muujinaysa. Sicir-bararka Maraykan ayaa la filayaa in uu sii kordho, sababta  la la xidhiidhinayaana waa shaqo la’aanta baahsan. Federal Reserve waxa lagu qasbay in ay kor u qaadaan saamiyada dulsaarka doollarka Maraykanka, taas oo sii adkayn doonta xaaladda.


Isbeddelka Maraykanka ee daynta dadweyne waa midda ugu badan ee warbixinuhu ka hadlayaan wakhtigan. Saamiga adeegga daynta dulsaarka ee GDP waxa uu ku dhow yahay 10% Maraykanka, wuxuuna aad uga sarreeyaa saamiga dalalka adduunka. Saadaashu waxay muujinaysaa in dulsaarku gaadhi doono 20%.


Werwerku waa in 40% daynta dadweynaha Maraykan lagu leeyahay iska leeyihiin maalgashadayaal shisheeye. Werwerka kaa ka sii weyna waa in Shiinuhu yahay ka daynta ugu badan ku leh.


Mac’hadka McKinsey, dhibta oo idil wuxuu u aanaynayaa daymaha qoysaska ee bangiyadu bixiyaan in uu yahay ka dhabarjabinaya dhaqaalaha Maraykan. McKinsey wuxu sidoo kale werwer ka qabaa shirkadaha waxsoosaarku in 40% ay halis ugu jiraan xaalad aan caadi ahayn. Sicirka dulsaarka ee kor u kacay waxa uu ruxay suuqa dhaqaalaha adduunka, waana mid ka mid ah waxyaallaha waaweyn ee dhaqaalaha xumaynaya. Tobankii sannadood ee la soo dhaafay wadarta daynta qoysku BIS waxa ay korodhay 25%. Daynta guryaha Maraykan waxa ay korodhay ugu yaraan 5%, halka dalalka horumarsan lagu qiyaasayo 1.1%.


Professor Nouriel Roubini waxa uu ka mid ahaa dhaqaalayahanno dhowr ah oo sameeyey sannadkii 2005tii saadaalin ku saabsanayd burburkii guryaha Maraykan, waxyaallaha uu ka digayey waxa ka mid ahayd in qiimaha guryuhu ay fuushan yihiin mowjad sabbaynaysa oo dhakhso u baabiinaysa dhaqaalaha Maraykan.


Roubini iyo Rosa 2018kii waxa ay saadaaliyeen in 2020ka uu bilaabmi doono xiisad dhaqaale oo sababi doona hoos-u-dhac dunida wada gaadha. Waxa ay u aaneeyeen soo noqod la’aanta daynta maqan iyo dulsaarka dheeriga ah.


McKinsey Globan waxa uu leeyahay, "Maraykanka 40% dadka waaweyn waxa ay la halgamayaan inay bixiyaan kharashaadka lama filaanka ah. Rubuc-meelood ka mid ah dadka waaweyn ee aan diiwaangashanayn ma helaan lacagta hawlgabka. Dhibkaas oo dhami wuxuu sababayaa soo degdegga burbur dhaqaale.”


JP Morgan Chase, bangiga ugu weyn Maraykan saadaashiisu waa in 2020 in uu bilow u yahay qalalaase dhaqaale iyo hoos-u-dhac Maraykanka iyo adduunka ah. Saadaasha JP Morgan waxa ay leedahay, "20% hoos-u-dhac ku yimaadda qiimaha saamiyada Maraynka iyo 14% hoos-u-dhaca lacagaha doollarka Maraykan ayaa sababi doona bilowga qalalaasaha Maraykan oo adduunkuna la dhadhamin doono.”

LASOCO QAYBTA 2aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: [email protected]

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...