Somaliland Waxa Ay U Baahan Tahay Sharci Iyo Qorshe Qaran Oo Ay Ku Waajahdo Wadahadalka Somalia !
Somaliland sida taariikhda ku xusan waxa dadkeeda ku badan jibada
iyo
caadifada , waana sababtii dawladninadii aynu helnay 1960kii aynu jarka
uga tuurnay ee ilaa maanta aynu uga bixi laanahay ee ay inoo sudhan
yihiin Somalia , waayo wax badan ayeynaan hubsan oo jibadii iyo
kalgacaylkii inoo hayey midnimo soomaaliyeed iyo shantii somaali oo la
isku keeno ayeynu shuruud la'aan cid aan waxa aynu wadno danaynayn ugu
gaynay.
Deg-degaa iyo caadifadaa waxa inaga soo maray dhibaatooyin badan oo
dadkii reer Somaliland calanka iyo dawladnimada dhan watay markii ay
koonfur ula tageen ee la sameeyey Jamhuriyadii Somalia ayaa aan cidiba u
joojin halkii ay ahayd in waxwalba la qaybsado maadaama oo la ahaa laba
dawladood oo isku biiray , dhacdooyinkaa dhacayey waxa ay Signal
siiyeen somalidii kale oo intii xorowday aanay jeclaysan in ay ku
biiraan meel la isku muquuninayo.
Halgano dhaadheer oo gudaha iyo dibadaba lahaa ka dib oo loo waayey
kumayaal halyey iyo duunyo waxii la hayeyba u baaba'een waxaa la soo
celiyey 18 May 1991 kii dawladnimadii Somaliland ee luntay 1 july 1960
kii waxaana dib loo yagleelay qarankii Jamhuriyada Somaliland ee
xornimada ka qaatay boqortooyadii ingiriiska 26 june 1960kii .
Somaliland waxa ay soo martay 28 sanadood oo marxalado kala duduwan
ahayd , aakhirkii 31 May 2001 dii ayaa Somaliland looga codeeyey dastuur
qaran oo ka kooban 130 qodob u qaybsan 5 qaybood , dastuurkaasi waxa u
codeeyey dadweynaha Somaliland waxaana ogolaaday 97% oo ogol ugu
codeeyey , dastuurku waxa uu si cad u qeexayaa qaranka Jamhuriyada
Somaliland ka uu yahay , muwaadiniinta uu leeyahay , xuquuqdooda ,
xuduudaha dalka , goleyaasha qaranka iyo awoodaha masuuliyiinta sare iyo
goleyaasha , calanka , caadimada , diinta , shuruucda iwm.
Waxa hadaba Somaliland caqabad ku ah in aanay aqoonsi caalamiya oo
dawladnimo wali beesha caalamka ka helin , iyada oo qadiyada Somaliland
iyo Somalia ay la mid tahay tii Erateria iyo Ethiopia ay kula kala
noqdeen dawladnimadoodii ayaa ilaa maanta aan xal iyo maareyn aduunku u
helin in la kala noqdo laba dal oo kala madax banaan oo jaar ah ,
waxaana aad moodaa in Somali gudaheegana is hagranayso aduunkuna aanu u
hagar bixin oo mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin la isku dul
xaniban yahay.
Marka aynu haddaba xaga Somaliland u soo noqono wali waxa aad moodaa
in jibadii 1960kii ina lumisay in aanay inaga dhamaan sababta oo ah ,
marka aynu u fiirsano siyaasada arimaha dibada iyo ta lagu wajahayo
Somalia waxa ay u baahan tahay qorshe qaran oo aad looga fiirsaday si
aan masiirkii umadan marna wadahadal loogu cawarin marna wada hadli
mayno oo ay cadaato goorta Somalia lala hadli karaa , goobaha lagula
hadli karo iyo waxa laga wada hadlayaaba .
Somaliland waxa inagu ceeb ah in masiirkii umaddani inta labada gole
qaran ka shireen la yidhi Somalia ayaa lala hadlayaa , markii
wadahadaladii natiijadoodii la arkayna aynu is ogaanay in dal ahaan
khiyaamo wayni inagu dhacday oo xukuumadii wadahadalka furtay xataa
masuuliyiinteedii qireen in aynu ku qasaarnay wadahadaladii hore oo ay
yeelan waayeen wax midho dhal ah , hadana maanta marba la soo hadal
qaado wadahadal baa la furayaa iwm ah.
Haddaba hadii ay noqoto in Somalia wadahadal lala furayo waa in
Somaliland sharci iyo qorshe qaran oo la isla og tahay lagu waajahaa
wadahadalada lala yeelanayo Somalia , shuruudo iyo sharci adagna loo
dhigaa oo aan marba kooxda talada timaada ama inta hogaanka haysaa sida
ay la noqoto aanay ugu dhaqaaqin waxii ay doonaan ee uu noqdo wax marjac
iyo meel loo noqdo iyo dariiqyo cadcad oo la raacayo leh.
Hadii aynaan maanta sharci iyo qorshe siyaasadeed ka sii samaysan
waxa ay noqonaysaa in mar kale jibo aynu dalkii waxaasi oo dhib ah loo
soo maray ugu gacan galino cidii aynu ku hungownay 1 july 1960kii oo aan
maantana wax kale iska daayee waxii xasuuq dhacay ee maati iyo caruuro
diyaaradaha lagu duqeeyay aan garawshiiyo looga hayn , waxaana aan soo
jeedin lahaa in shuruudahan lagu xudho wadahadalka Somaliland iyo
Somalia.
1- In si siman oo labadii dawladood 1960 kii midoobay ah loo wada hadlo.
2- In Somaliland dhamaan xuduudkeeda ay Somalia ka baxdo meelaha kooban ee ay kaga jirto.
3- In Xasuuqii dhacay iyo dadkii dhintay la qiimeeyo oo magdhow laga
bixiyo , dadkii gaystayna la geeyo maxkamada dambiyada aduunka.
4- In waxii Jamhuriyadii Somalia wada lahayd si siman loo qaybsado iyo waxii kale ee aduunku tarayo ee hada la siinayaba.
5- In beeshu caalamku ay Hargeisa iyo Muqdisho si siman ugu xaqsoorto
oo aanay u arag dal kaliya oo safiirada Muqdisho fadhiyaa Hargeisa iman
ee dawlad waliba safiir u soo magacowdo Somaliland.
6- in waxii kuraasi iyo mansabyo metelaada Jamhuriyadii Somalia ee
lawada lahaa ah ee Somaliland iyo Somalia wada lahaayeen la laabo sida
kursiga qaramada midoobay amaba laga dhigo laba kursi , hadii kale cid
dhex ahi gacanta kusii hayso inta lagu kala baxayo.
7- In shacabka Somaliland laga qaado afti dadwayne hadii aan la
qaadanayn aftidii hore ee 31 may 2001 dastuurka dalka loogu codeeyey.
8- In Somalia aanay dadka reer Somaliland ee xamar u shaqo tagey aanay keeni karin wadahadalada.
9- In Cida dhex-dhexaadinaysaa noqoto cid ka madax banaan siyaasada
Somalida dhexdeeda taalla ama dano kale ka leh oo aanay dhicin sidii
wadahadaladii hore.
10- In cida labada dhinac uga qayb galaysaa wadahadalka ay noqdaan
cid gudaha dalkeeda ka fulin karta waxa la isla qaato ee lagu heshiiyo.
11- in dawlada ay la hadlaysaa noqoto mid meeqaam ahaan iyo maamuus
ahaanba taagaan halka ay ta Somaliland taagan taagan tahay , oo ay
noqoto mid shacab soo doortay isla markaana dalkeeda iyadu maamusha sida
xukuumada Jamhuriyada Somaliland.
Iwm.
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...