Jacaylkii Yuusuf Xirsi Magan & Cadar Suldan

0
Saturday January 25, 2020 - 07:29:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jacaylkii Yuusuf Xirsi Magan & Cadar Suldan

    Gabyaa kasta wuxu gabadha amaanaa marka ay qalbiga kaga dhacdo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabyaa kasta wuxu gabadha amaanaa marka ay qalbiga kaga dhacdo,
markaas oo ay ka go’do si uu yeelaba inay ooridiisa noqoto.

Yuusuf xirsi magan wuxu ahaa gabyaa weyn oo caan ka ahaa qarnigii 20aad xeebta magaalada berbera iyo magaalada hargaysa.



Yuusuf xirsi alle ha u naxariistee wuxu dhab ah u jeclaaday gabadh reer suldaan ahayd oo la odhan cadar suldaan diiriye taas oo uu helideeda kala kulmay dhib aad u badan, islamarkaasna wuxu raadinta gabadhaas kala kulmay tartan adag oo ay wada galeen rag isaga u dhigma.


Reer suldaan diiriye waxay talo ku gooyeen in loo galo inantooda tartan gabay oo la amaano inanta, ninka sifiican u aamana ayaa noqonaya kii inantaasi ay oori u noqon doonto hadii eebe idmo.


Yuusuf oo jacayl aad ah u qabay cadar ayaa gabay ku amaanay oo soo bandhigay xadka uu gaadhsiisan yahay jacaylka uu u qabo, iyo sida aanu marnaba uga maarmi Karin sidoo kale sida uu ugu jabi doono waayista gabadhaas hadii uu waayaba waxaanu yidhi:


Amaantada hadaan isku dayo inaan ka faaloodo, runtii waxad tahay mid eebe weyne qurux u dhameeyey, reernimo iyo abtirna lagu manaystay oo kasoo jeeda reer suldaan diiriye oo waagaa ahaa reerka talada gooya ee deeganada hargaysa iyo kuwa la ologa leh, wuxu si hufan u kala dhigdhigay amaanta tolweynaha ay ka dhalatay kaas oo aanu afka kala xishoone si niyad sami ah inoogu soo tabiyey inantaas oo kasoo jeeday qabiilka  ciidagale oo ah qabiilweynaha isaaq waxaanu yidhi:


*    Amaantaada cadarey hadaan ka itifaaloodo

*    Oo alifka laamkiyo ka dayo awsidkiyo miimka

*    Ilwaad quruxsan leeyey hadaan uunka maqashiiyo

*    Ab la sheego iyo reer abtiyo adiga ruuxaaga

*    Ayaxaa ka badan ciidagale inanta joogtaaye

*    Hadaad ugu ilroonaatay hablahaan ilaaleeyey

*    Ambadii hadaan degay halkaan la asaraaraynin

*    Oo aad reer mataan noqotiyo ubaxa reer ciise

*    Ood ururta guuleed tahay iyo idhadmadii iido

*    Aslidii ba cawlo iyo hadaad oodankii noqotay

*    Oo uu aabahaa gacale yahay obobadii shaalka

*    Afartaa asluubtaan u dhigay aalad ma u yeelay

*    Ma asteeyey waataan aqiin idibirkiisiiye

*    Erey kalena wow noqonayaa unug yar baan baanay.


Habeenkii Ayaan kacaa oo salaad tukadaa iyada oo dadkuba hudo macaan ku jiraan, iyo sidoo kale oogta waaberi oo ah salaada arooryo, culimada iyo arday baan qur’aanka u akhriyaa, islamarkaas Ayaan allaha weyn ka duraantaa inu doonistayda ii aqbalo oo ducada iga yeelo, aniga oo weliba ducada u dhigaya qaab asluubaysan oo edebsan waxaanu yidhi:


*    Alleylkii salaadaan tukaday uunka oo gama’san

*    Iyo oogta waaberi markuu fiqigu eedaamay

*    Alif laam iyo baan tirshaa suuradii adage

*    Culimooyin aada iyo ardaan meel ku ururshaaye

*    Ooriday inaad noqoto ood ubadka ii qaado

*    Alle bariga waa lay aqbali idam ilaahaye

*    Afartaa asluubtaan u dhigay aalad ma u yeelay

*    Ma asteeyey waataan aqiin idibirkiisiiye

*    Erey kalena wow noqonayaa unug yar baan baanay.


Meerisyadan soo socda wuxu abwaanku ku soo bandhigaa amaan isaga xagiisa ah iyo sidoo kale tolweynaha uu ka dhashay ee u isaguba ka isiran yahay, maadaama loo tartamaayo qabiil ma uu iloobin inu ku daro gabayga amaan tolkiisa ah, sidoo kale duunyada ay dhaqdaan, deegaanka ay abaar iyo aaranba degaan, waxyaabaha laga helo, gebegabada wuxu u balanqaadayaa inu gabadhaa siin doono agabkasta oo quruxdeeda bila wuxu gabyaagu inanta si dareen leh u xasuusinayaa in dumarku aanay nimcada garan marka ay joogto islamarkaasna ay gartaan marka ay seegto sidaas darteed ayuu ku leeyahay dumarku waa allow sahale ha iloobin ee sidaa maanka iyo maskaxdaba ku hay waxaanu yidhi:


*    Waxaan ahay iskaa yeeladii amarka weynaaye

*    Waxaan ahay abti reer gadiid loo ogaan jiraye

*    Waxaan ahay irdaha yoonis nuux iyo ashraaftiiye

*    Uluuf iyo uluuf baa tolkay aradka fuulaaye

*    Ololaha kun baa loo diraa oogta waaberi

*    Arnaa uud sidiisaan ahay iyo aarka dabadeede

*    Uumiga dagaalkaanu jirin nin iga eegaaye

*    Agabkooda waa wada helnaa aaladii dumare

*    Asli qoorta lagu gooyey bay ku istareexaane

*    Aftirkiina waxa loo lisaa sidigta eeraane

*    Abaartiina waxaan degnaa aradka ceel shiikhe

*    Ha iloobin cadareey haween waa alow sahale.

 

 

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

[email protected]      Ama 0634240189

Loading...
Loading...