Shacabka Ciraaq Oo Sameeyay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayaan In Ciidamada Maraykanku Ka Baxaan Dalkooga

0
Saturday January 25, 2020 - 06:43:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Ciraaq Oo Sameeyay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayaan In Ciidamada Maraykanku Ka Baxaan Dalkooga

    Dad aad u tira badan ayaa waxa ay isu soo baxeen waddooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad aad u tira badan ayaa waxa ay isu soo baxeen waddooyinka
caasimadda waddanka Ciraaq ee Baqdaad, si ay u dalbadaan in ciidammada Mareykanka halkaas isaga baxaan.

Wadaadka awoodda badan ee shiicada Ciraaq, Muqtada al-Sadr ayaa goor hore ku baaqay in hal milyan oo qof ay ku soo biiraan isu soo baxa Jimcaha, kaas oo ka dhacay meel u dhaw safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay caasimadda.



Maleeshiyaad ay Iiraan baritaarto ayaa ka mid ah dadka ku dibadbaxaya caasimadda.

Dilkii uu Mareykanku garoonka diyaaradaha ee Baqdaad ugu gaystay taliyihii ugu sarreeyay ciidammada milateriga Iiraan, Janaraal Qaasim Sulaymaani, 3-dii bisha Janaayo, ayaa xiisadda sii hurisay.


Sidoo kale duqeynta Mareykanka waxaa lagu dilay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa Ciraaqi hogaamin jiray maleeshiyada Kataa'ib Xisbullaah ee ay Iiraan baritaarto.


Iiraan ayaa khaarijinta Janaraal Sulaymaani kaga jawaabtay gantaallo riddo dheer oo ay 8-dii Janaayo ku garaacday laba saldhig oo dhinaca cirka ah oo ku yaal dalka Ciraaq oo ay deggan yihiin ciidammada Mareykanka.


Mareykanka ayaa waqtigaasi sheegay in aanay jirin cid Ameerikaan ah oo ku dhawaacantay weerrarka, hasayeeshee afhayeen u hadlay Pentagonka ayaa haatan sheegay in 34 askari ay dhanka maskaxda wax ka soo gaareen.


Saacado kaddib weerrarkaasi, ciidammada qalabka sida ee Iiraan ayaa waxa ay si kama ah laba gantaal ku ganeen diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo ay Ukraine leedahay oo dulmaraysay magaalada caasimadda ah ee Tehraan, halkaas oo ay ku dhinteen 176 qof oo diyaaradda saarneyd.


Maxay yihiin wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya Baqdaad?

Dibadbayaasha ayaa bilaabay inay isugu soo uruuraan bartamaha magaalada Baqdaad arooryadii hore ee Jimcaha, dhowr saacadood kaddibna, goobta dad ayaa buuxiyay.


Qaar badan oo ka mid ah waxa ay wateen calanka Ciraaq iyo warqado ay ku qoran yihiin erayo ay ku cabbirayaan sida ay uga soo horjeedaan joogitaanka Mareykanka ee Ciraaq.


"Ha dhinto Mareykanku!" ayey ku qaylinayeen dibadbaxayaashu, qaarkoodna waxa ay wateen kartoonno kala go'an oo uu ku sawiran yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.


Mr al-Sadr walow uusan meesha imana haddana waxaa goobta laga akhriyay bayaan uu soo qoray.

Bilowgii bishan, xildhibaannada Ciraaq ayaa waxa ay u codeeyeen qaraar ay ciidammada shisheeyaha ugu baaqayaan inay dalka isaga baxaan.


Ilaa 5,000 oo askari oo Ameerikaan ah ayaa ku sugan gudaha waddanka Ciraaq kuwaas oo qeyb ka ah isbahaysi caalami ah oo ka dhan ah ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.


Labada saldhig ee cirka ee ay Iiraan bartilmaameedsatay ayaa waxa ay ku kala yaallaan magaalada Irbil iyo al-Asad oo ku yaal galbeedka magaalada Baqdaad.


Sideen halkan ku nimi?

Dilkii Janaraal Sulaymaani - madaxii ciidammada Quds ee Ilaalada Kacaanka ahaana ninkii dajin jiray qorshaha siyaasadda Iiraan ee gobolka - ayaa waxa uu sare u qaaday inuu sii halaabo xiriirkii markii horaba xumaa ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Mareykanka.


Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay Janaraalka ku tirinaysay inuu ahaa argagixiso, taas oo sheegtay inuu mas'uul ka ahaa dhimashada boqollaal qof oo ciidammada Ameerikaanka ah sidoo kalana uu qorshaynayay weerraro "foodda soo saarnaa".


Waxaa ninkaasi la dilay kaddib weerrar lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Baqdaad. Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka caraysnaayeen dilka maleeshiyaad ku dhintay duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanku gaystay.


Washington ayaa Iiraan waxa ay ku eedaysay weerrarka safaaradda, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka digay in Iiraan "ay ka shallaayi doonto" khasaaraha ama ciddii dhimata.

 

BBC

Loading...
Loading...