Muuse Biixi Oo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Loogu Soo Tababaray Wadanka Jabuuti+Sawiro

0
Friday January 24, 2020 - 22:47:47 in News by
  • Visits: 5767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Loogu Soo Tababaray Wadanka Jabuuti+Sawiro

    Muuse Biixi Oo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Loogu Soo Tababaray Wadanka Jabuuti+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Loogu Soo Tababaray Wadanka Jabuuti+Sawiro


Taliska ciidamada ilaalada Jamhuuriga ee dalka Jabuuti ayaa qabtay munaasibad tababar loogu soo xidhiyay 15 Askari oo ka tirsan ciidamada Ilaalada madaxtooyada Somaliland.






Munaasibadaasi ciidamada tababarka loogu soo xidhiyay mudadii uu socday loogu soo xidhay waxaa gudoomiyay Taliska ciidamada ilaalada Jamhuuriga ee dalka Jabuuti Col. Maxamed Jamac Ducaale, waxaa ka qaybgalay Taliyaha ciidamada PS ee gobolka Cali Sabiix Col. Cabdiwaasac Maxamed.


Sidoo kale, waxaa munaasibadaasi lagu marti qaaday Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambasador Cabdifataax Siciid Axmed, Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) iyo masuuliyiin kale.







Tababarkan oo mudo laba bilood ah ka socday xerada tababarka ciidanka ee gobolka Cali Sabiix ayaa waxaa tababarkaasi bixinayay saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada Jamhuuriga ee dalka Jabuuti.


Ciidamadan loo tababaray ilaalada madaxtooyada Somaliland ayaa lagu tababaray aqoonta ciidan ilaalo iyo sugida amaanka madaxda, iyadoona halkaasi lagu soo bandhigay aqoonta ciidankaasi ee tababarkaasi lagu siiyay iyo sidii ay uga faa’idaysteen tababarkaasi.





Loading...
Loading...