Fannaankii , Mulaxankii Iyo Muusishankii Daa'uud Cali Masxaf Oo Geeriyooday

0
Friday January 24, 2020 - 22:44:21 in News by
  • Visits: 2483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaankii , Mulaxankii Iyo Muusishankii Daa'uud Cali Masxaf Oo Geeriyooday

    Fannaankii , Mulaxankii Iyo Muusishankii Daa'uud Cali Masxaf Oo Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fannaankii , Mulaxankii Iyo Muusishankii Daa'uud Cali Masxaf Oo Geeriyooday



Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya inuu maanta uu magaalada Jigjiga ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii Daa’uud Cali Masxaf.




Mas’uul ka tirsan maamulka dawlad deegaanka Soomaalida ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey geerida fannaan Daa’uud Cali Masxaf, oo ka mid ahaa hobolladii Waaberi.


Dhinaca kale, abwaan Cabdi Dhuux oo isna la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in Daa’uud uu qabay cudurka Macaanka ama Sonkorta, kaasi oo la rumeysan yahay inuu hadda u geeriyooday.


Cabdi Dhuux waxa uu sheegay in Daa’uud aan cudurkaas loo seexan Cisbitaal, balse uu si lama filaan ah ugu geeriyooday.


Daa’uud Cali Masxaf ayaa ka mid ah dadka ugu horreeya ee Soomaalida marka ay noqoto garaacista gitaarka, oo aad looga dambeeyey, wuxuuna sidoo kale ahaa laxamiiste.


Waxaa sidoo kale uu ku luuqeeyey heeso caan, oo uu saaray laxano aad loo ammaanay, iyo kuwa kale oo uu laxanka saaray balse aanu ku luuqeyn.


Waxaa hadda fanaan ah wiilkiisa Saciid Daa’uud oo magaalada Muqdisho ku nool.

Loading...
Loading...