"Jabuuti Waxay U Haysataa Somaliland Cali Sabiix, Dawlada Faashilka Ah Ee Kulmiye-na Way Baryootamaysaa."

0
Friday January 24, 2020 - 15:56:07 in News by
  • Visits: 3569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jabuuti Waxay U Haysataa Somaliland Cali Sabiix, Dawlada Faashilka Ah Ee Kulmiye-na Way Baryootamaysaa."

    "Jabuuti Waxay U Haysataa Somaliland Cali Sabiix, Dawlada Faashilka Ah Ee Kulmiye-na Way Baryootamaysaa."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jabuuti Waxay U Haysataa Somaliland Cali Sabiix, Dawlada Faashilka Ah Ee Kulmiye-na Way Baryootamaysaa."


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay qorshaha ay dawlada jabuuti doonayso inay xadhiga internet-ka ku mariso magaalada Berbera.

Sawirka la xidhiidha


Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in dawlada jabuuti ay guud ahaanba dafirtay dawlada somaliland, isaga oo dhaliilay qaabka ay dawlada Muuse Biixi uga jawaabtay.


Afhayeen Barkhad oo ka hadlaya qorshaha Jabuuti ayaa waxa uu yidhi "Dawlada jabuuti in xadhiga internetka ee Fiber Optic ay tidhaahdo waxaanu gaadhsiinaynaa mandaqada waa ajande u yaala, dawlad kastana in barnaamij horumarineed ay la timaado oo ay tidhaahdo waxbaan qabsanayaa waa mid iyada u yaala, balse laba su,aalood ayaa layska waydiin karaa arintan marka la eego xadhiga ay keenayaan magaalada Berbera wasiirkooda isgaadhsiintu waxa uu ku tilmaamay inay soomaaliya ka mid tahay, ta labaadna keenida xadhiga ee somaliland maxaa ka furan.”


Afhayeen Barkhad ayaa sheegay in dawlada jabuuti ay si cad iskaga indha tirayso somaliland waxaanu yidhi "Marka la eego hadalka ninka masuulka ah ee dawlada jabuuti afkeeda ku hadlayey waxa uu muujinayaa inay wali iska indho tirayaan xaqiiqada dhabta ah iyo jiritaanka somaliland, aniguna garan maayo goor ay maamulkeeda soomaaliya maamusho, in xaqiiqada iyo jiritaanka umada somaliland iyo halgankeeda inaanay jabuuti ogolayn ayaa cad.”


Sidoo kale afhayeen Barkhad ayaa soo bandhigay qodobo ay muhiim ahayd in dawlada jabuuti ay la wadaagto somaliland waxaanu yidhi "Marka ay barnaamij qabanayeen maadaama oo ay marinayaan magaalooyin somaliland ka tirsan inay maamus ahaan, dublamaasiyad ahaan iyo sharci ahaanba inay ka soo casuumaan xukuumada kulmiye ayey ahayd oo wakhtiga la keenayo, nidaamka loo keenayo, masuuliyada, heshiiska la gaadhayo iyo dhaawaca iman karaba in meesha ay ka muuqato ayey ahayd, dhulka ay hada soo galayaan cida maamushaana waa somaliland in layska indho tiro oo aan waxba la waydiin oo marka la doono layska soo galayo marka la doonana layska baxayo waa ayaan darooyinka iyo siyaasad xumida ay dawlada kulmiye keentay, jabuutina malaa somaliland waxay u haysataa Cali Sabiix oo kale.”


Afhayeenka xisbiga Waddani waxa uu xukuumadu Kulmiye ku eedeeyey in masiirkii umada ay dhaafsanayso dano gaar ah oo ay leedahay "Meesha waxa ka muuqata in cida masuuliyadii dalka haysay ee xukuumada kulmiye ahayd inaanay eegayn masiirka umada ee ay masaaliix gaar ah eeganayso, arintaasna waa in xoog looga hadlaa waayo waxa uu mugdi iyo muran galay masiirkii umada, arintaasina hada mid qaranimo ayey taagan tahay dhaliishuna cid kale maaha ee waa nidaamkan faashilka ah ee kulmiye ee ku haftay maamulkii dalka.”


Dhinaca kale afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Batuun waxa uu dhaliilay jawaabta ay dawladu ka bixisay qorshaha jabuuti waxaanu yidhi "Jawaabta xukuumadu bixisay baryootan iyo bogaadin ayaa ka muuqday, qodobka 37 ee dastuurku waxa uu leeyahay karaamada iyo jiritaanka umada somaliland waxa masuul ka ah hadba xukuumada talada haysa, wixii ay masuulka ka ahaayeen ayaanay ka masuugayaan oo ah inay yidhaahdaan dawlada jabuuti waxaanu uga fadhinaa goorta ay soomaaliya gacanta ku qabatay maamulka Berbera, garnaqsi ayaa laga filayey ee baryootan iyo bogaadin lagama filayn markaa waa nidaam faashil ah kulmiye.” Ayuu yidhi afhayeen Barkhad oo u waramay HCTV.

Loading...
Loading...