Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sharaxay Qaababka Ay Wadamada U Yeelan Karaan Biyaha Badda

0
Friday January 24, 2020 - 15:53:25 in News by
  • Visits: 2330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sharaxay Qaababka Ay Wadamada U Yeelan Karaan Biyaha Badda

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sharaxay Qaababka Ay Wadamada U Yeelan Karaan Biyaha Badda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sharaxay Qaababka Ay Wadamada U Yeelan Karaan Biyaha Badda


Hargeysa(HWN):-Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka mida sharci yaqaanada somaliland ayaa ka hadlay qaababka kala duwan ee ay wadamadu u lahaan karaan biyaha bada.




Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa facebook waxa uu ku faah faahiyey qodobo la xidhiidha sida ay dalalku u leeyihiin biyaha bada, iyada oo wakhtigan uu taagan yahay qorshe ay dawlada jabuuti doonayso inay biyaha somaliland ku soo mariyaan xadhig internet.


Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Qaybaha biyaha badda iyo lahaanshaha dalalka

Biyaha baddu waxa ay u qaybsamaan:


1. Biyo goboleed (territorial waters) oo ah 12nm laga bilaabo barta cabirka laga qaado. Waa biyaha ugu soo xiga dhulka dalka xeebta ku yaal (coastal state). Intaas waxa iska leh dalka oo waxa ay la mid yihiin dhulka xagga lahaanshaha iyo maamulka. Cid shisheeye ah oo aan dawladu u ogolaani ma soo geli karto, wax ficil ah na kama samayn karto.


2. Aagga xiga (Contiguous Zone) oo ah 24nm marka laga bilaabo barta cabirka, waa aagga ku xiga biyo goboleedka. Waa aagga laga ilaaliyo cashuur ahaan iyo amaan ahaan ba biyo goboleedka.


3. Aaga Dhaqaale ee Gaarka ah (Exclusive Economic Zone) oo ah 200nm laga bilaabo barta cabirka, waa aaga dalka xeebta lihi uu xaq gaar ah u leeyahay ka ganacsigiisa, xagga kallunka, macdan, shidaalk iwm. Dalalka kale se way dul mari karaan biyahaas iyo hawada iyaga oo aan ogolaansho waydiisan cidna, islamarkaana waxa ay dhigi karaan xadhkaha biyaha hoostooda mara.


4. Aaga afraad waa xeebleyda (Continental shelf) oo iyadu aan ahayn biyaha balse ah dhulka hoos mara badda oo ay leeyihin xeebaha qaar, qaar kale na aan lahayn. Cibirkiisa ka badan 200nm ee Aaga Dhaqaaluhu wuxuu ku xidhan yahay duruufo badan, balse kama badan karto 350nm.

Loading...
Loading...