Koox Dhammaan Ciyaartoyda U Ciyaartaa Ay Isku Magac Yihiin

0
Friday January 24, 2020 - 08:06:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Dhammaan Ciyaartoyda U Ciyaartaa Ay Isku Magac Yihiin

    Tartanka kubadda cagta ee ciyaartoyda da'da yar ee Magaalada Sao Paulo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka kubadda cagta ee ciyaartoyda da'da yar ee Magaalada Sao Paulo
ee dalka Brazil oo ah tartanka ugu xiisaha badan ee ciyaartoyda da'doodu ka hooseyso 20-ka sano ayaa sanadkan leh xiiso gaar ah.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgeli doona koox cayaartoyda u dheesha ay dhammaan isku magac yihiiin.



11 ciyaartoy ee kooxdan ayaa lagu magacaabaa Riquelme, oo ah magac aad looga yaqaano qaaradda Amerika.

Ciyaartoydan ayaa dhamaantood loogu magac daray Juan Roman Riquelme oo ah ciyaartoy hore oo khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka Qaranka ee Argentina.


Inkastoo xulka Argentina gudaha dalka Brazil looga arko mid uu xifaaltan kala dhaxeeyoBrazil ayaa haddana Riquelme waxaa loo arkaa ciyaartoy khibradiisa iyo xirfadiisa dhanka kubadda cagta ay ka bilaabatay Brazil, taasoo dhiiragelin u noqotay waalidiin badan oo caruurtooda ugu magac daray isaga.


Riquelme wuxuu ahaa ciyaartoy aad looga ixtiraamo Koonfurta qaaradda Amerika labaatan sano kahor.

Riquelme ayaa waxaa la barbardhigaa ciyaartoygii caanka ahaa ee Maradona, wuxuuna ciyaartoyda da'da yar ee kooxda Boca uu ka caawiyay in ay marar badan ku guuleystaan dhowr tartan.


Riquelme ayaa sidoo kale usoo dheelay kooxda kubadda cagta ee Barcelona ee dalka Spian, walos uusan wax guul ah ka gaarin.

Taageerayaashiisa ayaa aaminsan in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay Riquelme intii uu katirsanaa kooxda Barca.


Dhammaan ciyaartoyda u dheela kooxda isku magaca ah ayaa la sheegay in ay dhasheen intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa iyo 2005, xilligaas oo Riquelme ahaa ciyaartoy aad looga yaqaanay caalamka, taasoo dhiiragelisay dhallinyaro badan.


Riquelme ayaa kusoo caan baxay ciyaarihii koobka adduunka ee 2006, waxaan xulka Qaranka ee Argentina uu u horseeday in ay soo gaaraan rubac dhammaadka ciyaaraha koobka adduunka.


Inkastoo dhammaan ciyaartoyda kooxdaas ay isku magac yihiin ayaa haddana arrinta layaabka leh waxay tahay in marka uu badel yimaado oo mid kamid ah ciyaartoydaas la badelayo ay adkaan doonta sida midka la badelayo uu ku fahmo, walow ay nambaro kala leeyihiin.

 

BBC

 

Loading...
Loading...